AKHRISO+SAWIRRO: Duqa Muqdisho oo war ka soo saaray weerarkii Hooyga Senator QEYBDIID

0

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Taabid Maxamed Cabdi ayaa waxuu ka kadlay weerarkii lagu qaaday hooyga Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Duqa Muqdisho ayaa waxuu sheegay in uu aad uga xun yahay falkii lagu weeraray guriga Senator Qeybdiid.

“Waxaan aad uga xumahay falkii argagaxa lahaa ee loo geystay familka & Hoyga Guddomiyaha Guddiga Dastuurka Labada Gole ee Baarlamaanka Senator Cabdi Xassan Cawaale (Sen Cabdi- Qeybdiid)”, sidaasi waxaa yiri Guddoomiye Taabid.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu sheegay Guddoomiye Taabid in uu booqday hooyga Xildhibaanka, islamarkaana uu soo arkay dhibkii ka dhacay guriga Xildhibaan Qeybdiid.

Duqa Muqdidho, Taabid Maxamed Cabdi ayaa sharci darro ku tilmaamay weerarkii lagu ekeeyay hooyga Sen. Cabdi Xasan Cawaale.

“Wax la aqbali karo ma ahan in muwaadin si sharcidarro ah gurigiisa lagu weeraro, familkiisana argagax loogu geysto, iskaba dayee Senator Qaran oo xasaanad buuxda leh”, sidaasi waxaa yiri Duqa Muqdisho.

Waxuu intaasi ku daray: “Waa in sharciga si deg deg ah loo horgeeyaa kuwa falkan argagax leh geystay iyo cid alaale cidii amarkaas bixisay”

Ugu dambeyn, Duqa Muqdisho, Taabid Maxamed Cabdi ayaa markale ku celiyay sida uu ugu xun yahay weerarkan lagu qaaday hooyga Xildhibaan Qeybdiid