DHAGEYSO: Taliyaha CXD: Talaabo ayaa laga qaadaa kuwii weeraray Hooyga Sen. QEYBDIID

0

Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed, Gen. Gorod oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa waxuu ka hadlay falkii lagu weeraray hooyga Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaalle Qeybdiid.

Taliye Gorod ayaa waxuu sheegay in wax laga xumaado ay tahay weerarkii lagu qaaday guriga Xildhibaan Qeybdiid.

Waxaa uu wacad ku maray in talaabo laga qaadayo cid walba oo ku lug yeelatay falkaasi lagu weeraray Xildhibaan Qeybdiid.