FAALLO:- Soomaalinimadu waxay ku fiicantahay in runta la isku sheego si daawo loo helo, Habargidir isma qabato miyaa mise sidey wada qabaan?

8

Walaalaha Soomaaliyeed ee ku abtirsada beesha Habar gidir baan rabaa inaan la wadaago maqaalkaan ,ma rabo sax iyo khalad waxay ahayd inaan dib ugu noqdo xiliggii dawladda dhexe jirtay iyo xiligii loo yaqaanay xiligii qabqablayaasha , labadaas xili ma rabo inaan xisaabaadkayga ku saleeyo iyo sax iyo khaladba waxay beeshaasu guud ahaan gashay .

Waxaan rabaa inaan ka bilaabo dib u yagleelidii dawladnimada Soomaaliy oo kassoo bilaabatay Shirkii Carte , waan la wada soconaa in soomaalidu aad u rabtay in dawladnimadeedii ay dib ussoo ceshato ,markii Soomaali tashatay si hoose iyo si guudba waxaa loo batay wax kastaba ha loola jeedee in markaan waxaan Habargidir ahayn madaxweyne laga dhigin , waa ayadii doorashadii ummadda Soomaaliyeed oo dhan ka dhexaysey ay iskugu soo hareen labadii Musharax ee Habargidir ,warka dheerayn maayee uuna ku guuleystay Madaxweyne Cabdiqaasin Salaad Xasan , waa la ogaa sey Soomaali ussoo dhaweysey iyo sida loogu hamuun qabey in dawladnimadii dib loo yagleelo .

Waxaa Soomaalidu qabtaa markuu Madaxweyne Cabdiqaasim shaqadii bilaabay oo uu ussoo istaagay inuu dib u yagleelo dawladnimadii oo saansaankeedii inuu bilaabo bilaabay in ay Habargidir Shir ugu yeertay kuna dhaheen “ hadaad u timid hadaan Habargidir nahay in waxaan haysanay aad wax noogu darto waa hagaag waana ku soo dhaweyneynaa , hadaadse rabto waxaan haysanay inaad naga qaadana waa calaacashoo timo ka soo baxaan in dawlad nimadaadu shaqayso “

Warkaas ujeedkiisu wuxuu ahaa inaan Habargidir loogu imaan hantidii dawladda wax kasta ha ahaatee ,iyo hantidii dadka kale lahaayeen oo gacantooda ku jiray inaan loogu imaan .

Arinkaas koley aniga ilaa xad waa iga dhaadhaci waayey in wax garadkii Habar gidir sidaas isku raacaan , oo ilaa xad waa isdiidsiiyey ,waan ognahay oo isweydiin mayno meeshay ku danbeysey Dawladii Cabdiqaasin .

ka soco inaan soo koobaan raba Dawladii C\laahi Yuusuf baa timid waxaan ka mid ahaa soomaalidii faraha badneyd oo aadka u diidaneyd inuu C/laahi yusuf ku guuleysto madaxtinimada soomaaliya oo waxaan aad u jeclaa in C/laahi cadow soo baxo ,markii C/laahi yusuf ku guulaystayna maalmo kabacdi C/laahi yuusuf baan taageere u ahaa waayo wuu yimid asagaana madaxweynaa ,waxanna rabaa in dawladnimo dhaqaaqdo oo dawlad la`aanta lagu jiro laga baxo ,hadaan saas rabno waa khasab inaan taageerno , Ilaahay tiisey ku noqotay inuu yimaado , Madaama ay aad noo dhibtay dawlad la`aantu waxaan taageerayey waa dawlidnimadu inay noo dhaqaaqdo , haalkaas laga sii anbo qaado ,waan ogey beesha Habargidir dagaalkay kala hortimid , iyo dawladaasu meeshay ku danbeysey .

Ka soco Madaxweyne Shiikh Shariif asagana waan ogey sida aad uga hortimaadeen ilaa aad xisbul islaam iyo shabaab aad ku abaabusheen .

Madaxweyne Xasan shiikh asaga ayaad baad ula fariisateen in uu idin ku wareejiyo hanti badan umadda ka dhaxaysey suu sharkiina uga nabad galo , ugana badbaado inaysan ku dhicin sidii kuwii ka horeeyey ku dhacdey , asaguna qaabkaasu kuma guuleysan ,dawladnimadiina sii la rabey uma taabo qaadin ,waana midda keentay in mar kale la dooran waayo .

Markii Madaxweyne Farmaajo yimid iyo ra`iisal wasaare Khayre horaad dagaal ugu bilowdeen markaad aragteen ,inaysan ahayn qolo baad la diyaara isla markaasna rabta in dawladnimo yagleelaan oo meesha la fadhiyo laga kaco , waxaa soo baxay siyaasiyiintii golayaasha ugu jiray inay durba bilaabaan inay dawladda ka horyimaadaan ,marka waxaa dadku isweydiinayaa dhibka gaarkaa oo Habargidir ku dhacaya muxuu yahay hadey dawladnimadu dhaqaaqdo , ma wax ay haystaan ama heli jireen bey ku weynayaan markii xagga dawladnimadaba loo sii dhawaado waa yaabe .

Beeshaasu ma isweydiiyeen intay ka yihiin Soomaalida ugu badnaan waa 5% .

Beeshu ma isweydiisey maalinba maalinka ka danbeysa inay kassii fogaanayaan inay qabtaan hogaanka dalka ayadoo ay sabab u yihiin ragga hadda siyaasadda igu jira sey wax u wadaan .

Beeshu ma isweydiisey in 2017 ay san shaqayneyn sheekooyinkii 1988 kii , oo soomaali waxaas ka gudubtay aysanna dib ugu noqoneyn .

Beeshu ma iswydiisey in siyaasiyiintooda wararka waayahaan ay ku hadaaqayaan inay kassii faquuqayaan umadda soomaaliyeed .

Beesha ma u muuqataa in soomaalidu u argto far soo taagan ,mise inay far soo taagan noqdaan beyba wanaag iyo horyaalnim u arkaan .

Hadii arinka beeshu saas kussii socdo oo aysan qaabkaas wax ka badelin oo caqligu talin oo aysan isqaban oo ay daawadaan nimankaan dhalin yaradaa oo horboodaya oo waliba waxaan jirin u qaba inay awrka ku kacsan karaan taasoo ah Hawiyenimo , anagoo og waxa kala gaaray hawiye , iyo dhaqankaa noocaas oo waqtigiisii dhamaadey oo uusan shaqayneyn , si la mida inaysan u shaqayneynin Daaroodnimo iyo guud ahaan isbahaysi kasta oo qabiil ku salaysan ,oo bulshada Soomaaliyeed 90% qabiilkaas lagu awrkacsanyo oo soomaali meeshaas dhigay aysan yeeleyn waqti xaadirka , ragaas lagu tuhunsanyahay inay lacago dawlado shisheeye ka soo qaateen oo danahooda gaarkaa wata inay magacooda sidaas u dilaan beeshu ogolaato ,beeshu ha ogaato xisaabtana ha darsato inuu arinku ku danbeyndoono soomaali iyo Habargidir, hadeyna isdaba qaban oo wadnka waa la wada leeyehee aysan cagta dhulka u dhigin . .

Igama ahan in aan maqaalkaan dicaayad ula jeedo ee waa waxa ay waxgarad badan oo qabaa`il kala gadisan u abtirsadaa qabaan oo lagu sheekaysto war ma 30 sanaan u afduubnaaneyna beel aan la aqoon waxay rabto ,oo dawladnimadeena inay dhaqaado hortaagan .

Walaalayaalow Isqabta oo ha ku dhaqminina Gar iyo gardaraba kan ku xiga la jir ,waad garanaysaan arinkaasu inuu garab marsanyahay xadiiskii rasuulkeena suubanaha ahaa calayhi salaatu wassalaam ka soo arooray oo ahaa u hiili walaalkaa haduu gardaranyahay iyo hadii laga gardaranyahay ,oo asxaabtii yiraahdeen garanay haduu gar leeyahay haduuse gardaran yahay see ugu hiilinaa ,gardara ka qabta ayuu ku yiri rasuulkii Caleyhi salaatu wasalaam, walayaalow si aad u badbaadaan umadda soomaiyeedna idiin ka badbaado xadiiskaas ku dhaqma , soomaaliyoo dhanna ha ku dhaqanto ,dhibka qabiilka waa lagu wada jiraa waase la kale badsadaaye .

Walaalkaa saad u aragto inaad u sheegto ,waxaa ka xun inaad u qariso .

Ilaahy hana waafajiyo gidigeen sidii maslaxdi ugu jirto dalkeena iyo diinteena iyo aakhiradeenaba .

W/Q: Cabdi aden
waryaa53@hotmail.com

Comments are closed.