FAALLO:- Soomaalinimadu waxay ku fiicantahay in runta la isku sheego si daawo loo helo, Habargidir isma qabato miyaa mise sidey wada qabaan?

8

Walaalaha Soomaaliyeed ee ku abtirsada beesha Habar gidir baan rabaa inaan la wadaago maqaalkaan ,ma rabo sax iyo khalad waxay ahayd inaan dib ugu noqdo xiliggii dawladda dhexe jirtay iyo xiligii loo yaqaanay xiligii qabqablayaasha , labadaas xili ma rabo inaan xisaabaadkayga ku saleeyo iyo sax iyo khaladba waxay beeshaasu guud ahaan gashay .

Waxaan rabaa inaan ka bilaabo dib u yagleelidii dawladnimada Soomaaliy oo kassoo bilaabatay Shirkii Carte , waan la wada soconaa in soomaalidu aad u rabtay in dawladnimadeedii ay dib ussoo ceshato ,markii Soomaali tashatay si hoose iyo si guudba waxaa loo batay wax kastaba ha loola jeedee in markaan waxaan Habargidir ahayn madaxweyne laga dhigin , waa ayadii doorashadii ummadda Soomaaliyeed oo dhan ka dhexaysey ay iskugu soo hareen labadii Musharax ee Habargidir ,warka dheerayn maayee uuna ku guuleystay Madaxweyne Cabdiqaasin Salaad Xasan , waa la ogaa sey Soomaali ussoo dhaweysey iyo sida loogu hamuun qabey in dawladnimadii dib loo yagleelo .

Waxaa Soomaalidu qabtaa markuu Madaxweyne Cabdiqaasim shaqadii bilaabay oo uu ussoo istaagay inuu dib u yagleelo dawladnimadii oo saansaankeedii inuu bilaabo bilaabay in ay Habargidir Shir ugu yeertay kuna dhaheen “ hadaad u timid hadaan Habargidir nahay in waxaan haysanay aad wax noogu darto waa hagaag waana ku soo dhaweyneynaa , hadaadse rabto waxaan haysanay inaad naga qaadana waa calaacashoo timo ka soo baxaan in dawlad nimadaadu shaqayso “

Warkaas ujeedkiisu wuxuu ahaa inaan Habargidir loogu imaan hantidii dawladda wax kasta ha ahaatee ,iyo hantidii dadka kale lahaayeen oo gacantooda ku jiray inaan loogu imaan .

Arinkaas koley aniga ilaa xad waa iga dhaadhaci waayey in wax garadkii Habar gidir sidaas isku raacaan , oo ilaa xad waa isdiidsiiyey ,waan ognahay oo isweydiin mayno meeshay ku danbeysey Dawladii Cabdiqaasin .

ka soco inaan soo koobaan raba Dawladii C\laahi Yuusuf baa timid waxaan ka mid ahaa soomaalidii faraha badneyd oo aadka u diidaneyd inuu C/laahi yusuf ku guuleysto madaxtinimada soomaaliya oo waxaan aad u jeclaa in C/laahi cadow soo baxo ,markii C/laahi yusuf ku guulaystayna maalmo kabacdi C/laahi yuusuf baan taageere u ahaa waayo wuu yimid asagaana madaxweynaa ,waxanna rabaa in dawladnimo dhaqaaqdo oo dawlad la`aanta lagu jiro laga baxo ,hadaan saas rabno waa khasab inaan taageerno , Ilaahay tiisey ku noqotay inuu yimaado , Madaama ay aad noo dhibtay dawlad la`aantu waxaan taageerayey waa dawlidnimadu inay noo dhaqaaqdo , haalkaas laga sii anbo qaado ,waan ogey beesha Habargidir dagaalkay kala hortimid , iyo dawladaasu meeshay ku danbeysey .

Ka soco Madaxweyne Shiikh Shariif asagana waan ogey sida aad uga hortimaadeen ilaa aad xisbul islaam iyo shabaab aad ku abaabusheen .

Madaxweyne Xasan shiikh asaga ayaad baad ula fariisateen in uu idin ku wareejiyo hanti badan umadda ka dhaxaysey suu sharkiina uga nabad galo , ugana badbaado inaysan ku dhicin sidii kuwii ka horeeyey ku dhacdey , asaguna qaabkaasu kuma guuleysan ,dawladnimadiina sii la rabey uma taabo qaadin ,waana midda keentay in mar kale la dooran waayo .

Markii Madaxweyne Farmaajo yimid iyo ra`iisal wasaare Khayre horaad dagaal ugu bilowdeen markaad aragteen ,inaysan ahayn qolo baad la diyaara isla markaasna rabta in dawladnimo yagleelaan oo meesha la fadhiyo laga kaco , waxaa soo baxay siyaasiyiintii golayaasha ugu jiray inay durba bilaabaan inay dawladda ka horyimaadaan ,marka waxaa dadku isweydiinayaa dhibka gaarkaa oo Habargidir ku dhacaya muxuu yahay hadey dawladnimadu dhaqaaqdo , ma wax ay haystaan ama heli jireen bey ku weynayaan markii xagga dawladnimadaba loo sii dhawaado waa yaabe .

Beeshaasu ma isweydiiyeen intay ka yihiin Soomaalida ugu badnaan waa 5% .

Beeshu ma isweydiisey maalinba maalinka ka danbeysa inay kassii fogaanayaan inay qabtaan hogaanka dalka ayadoo ay sabab u yihiin ragga hadda siyaasadda igu jira sey wax u wadaan .

Beeshu ma isweydiisey in 2017 ay san shaqayneyn sheekooyinkii 1988 kii , oo soomaali waxaas ka gudubtay aysanna dib ugu noqoneyn .

Beeshu ma iswydiisey in siyaasiyiintooda wararka waayahaan ay ku hadaaqayaan inay kassii faquuqayaan umadda soomaaliyeed .

Beesha ma u muuqataa in soomaalidu u argto far soo taagan ,mise inay far soo taagan noqdaan beyba wanaag iyo horyaalnim u arkaan .

Hadii arinka beeshu saas kussii socdo oo aysan qaabkaas wax ka badelin oo caqligu talin oo aysan isqaban oo ay daawadaan nimankaan dhalin yaradaa oo horboodaya oo waliba waxaan jirin u qaba inay awrka ku kacsan karaan taasoo ah Hawiyenimo , anagoo og waxa kala gaaray hawiye , iyo dhaqankaa noocaas oo waqtigiisii dhamaadey oo uusan shaqayneyn , si la mida inaysan u shaqayneynin Daaroodnimo iyo guud ahaan isbahaysi kasta oo qabiil ku salaysan ,oo bulshada Soomaaliyeed 90% qabiilkaas lagu awrkacsanyo oo soomaali meeshaas dhigay aysan yeeleyn waqti xaadirka , ragaas lagu tuhunsanyahay inay lacago dawlado shisheeye ka soo qaateen oo danahooda gaarkaa wata inay magacooda sidaas u dilaan beeshu ogolaato ,beeshu ha ogaato xisaabtana ha darsato inuu arinku ku danbeyndoono soomaali iyo Habargidir, hadeyna isdaba qaban oo wadnka waa la wada leeyehee aysan cagta dhulka u dhigin . .

Igama ahan in aan maqaalkaan dicaayad ula jeedo ee waa waxa ay waxgarad badan oo qabaa`il kala gadisan u abtirsadaa qabaan oo lagu sheekaysto war ma 30 sanaan u afduubnaaneyna beel aan la aqoon waxay rabto ,oo dawladnimadeena inay dhaqaado hortaagan .

Walaalayaalow Isqabta oo ha ku dhaqminina Gar iyo gardaraba kan ku xiga la jir ,waad garanaysaan arinkaasu inuu garab marsanyahay xadiiskii rasuulkeena suubanaha ahaa calayhi salaatu wassalaam ka soo arooray oo ahaa u hiili walaalkaa haduu gardaranyahay iyo hadii laga gardaranyahay ,oo asxaabtii yiraahdeen garanay haduu gar leeyahay haduuse gardaran yahay see ugu hiilinaa ,gardara ka qabta ayuu ku yiri rasuulkii Caleyhi salaatu wasalaam, walayaalow si aad u badbaadaan umadda soomaiyeedna idiin ka badbaado xadiiskaas ku dhaqma , soomaaliyoo dhanna ha ku dhaqanto ,dhibka qabiilka waa lagu wada jiraa waase la kale badsadaaye .

Walaalkaa saad u aragto inaad u sheegto ,waxaa ka xun inaad u qariso .

Ilaahy hana waafajiyo gidigeen sidii maslaxdi ugu jirto dalkeena iyo diinteena iyo aakhiradeenaba .

W/Q: Cabdi aden
waryaa53@hotmail.com

SHARE

8 COMMENTS

  1. Cabdi aadan markaan aqriyaybqoraaljaada waxaa iiga baxay in aadan kaka aqoon siyaasi iyo qabiil . ma waxaad beel dhan ku eedeeyneeysaa mise ku difaaceeysaa rag qabiilo kaka nooc ah oo xukun iyo mansab isku eryanaya taasina maagan dhanka aad wax ka tusaaleeyn kahayt ee haku soo jeedin qabiil doowladooda taageersan oo adigu ha u ekeeysiin qabiil, taasi waa mid . tan kale aduunka dhan ayuu ka jiraa mucaarad iyo muxaad soomaaliyana waa koob qarsha ah oo u baahan in dhulja laga ilaaliyee kula tali kuwa xukunka hadda haaya sideey u maareeyn lahaayeen iyagoon u oholaan koobkii qarshada ahaa in uusan dhulka ku dhicin oo uusan jabin, wabillaahi toowfiiq , soomaaliya hajirto oo ha joogto ameen ya rabbi

  2. Ilkyar taariiqda dib uraaca somali& ha bargidir barasho isuguma laabna bal qolodii ay awood usoo korodho banaanka hatimaado qolo cusub haday somalia kusoo biirto aan aragno niic looma baahna

  3. @Cubeyd KAAMIL,3 GEEDI JAAJI ayaad wata tihiin wax dhinta micno ma idiin samanaayo wiilashiina 10 dollar ayaad dhaafanaysaan maanta HG walaahi cid ka tabar yar ma jirto mariixaan ayaa dad idiinkugu dhawaay asagina qaatir ow idinka taagan yahay.Wlaahi waa la idin weynaa magac hawiyena ma sheegan kartaan kaarkaas waa gubtay HG kaligeedna waligeed dagaal ma qaadin

  4. Najis najis ahi
    Waar ilkayadh kabax waar iminka waxa taagen

    Waar han är gidir aynu ka qabano dalka
    Oo äta köp dhiibin mamulsare
    Jermany waa ls mamuucneed in mudo
    Dee waa saa in habargadir loogu mabnuucaa siysasada soomaaliya kala 30 sano

  5. Beesha SARUUR waxey kudoodeyaan ineynaaan kamid aheyn dadkan dhibka kawada dowlada iyo dowladihii kasii horreeeyey. Laakiin ogaada habargidir shan qof iney magaceenna ku ciyaaaraan oo dowladda damiyaan waxaa kasii liita inaanu qaban weyno taas oo keentay in xitaa beesha SARUUR oo aan qofi uga jirin oo aan weligood qabqable yeelan haddane magicii habargidir leynoo adeegsanayo. Afar shir aan uqabanay beesha ayaanu uga digney waxa maanta dhacaya laakiin dheg jalaq looma siin. Ninkii gabyey wuxuu yiri.. kor iyo hoosba ulahadlay haddii hadal waxdeeqsiine.waxa laasima nvinliitiyo habow laaxinkood bada e. Haddii aan linkoxo oo qalbiga lahanshada udiido. Oo aanan luunkaba karogin lur ima gaareene. Hhabargidireey afar nin oo dantooda wata haddii aad qabiil kuraacdaan gun baa tihiin anigana magaceennii kuciyaarte.ogaada farmaajo cadowga kaliya uu leeyahay waa wadaniyad lagu tuhunsanyahay waayo in wax loo meeriyo ayuu diidey adduunyadu waxbey akhriyaan mid kale kudarso ninkani waa mareexaan oo aan ognahay iney yihiin waddani caalamku waxey kabaqayaan tii siyaad barre oo kale. Markaas ayaa lasoo adeegsadey afar habargidir ah ileen anigaa sida wax loo dumiyo naqaane. Cafis iyo masaabax

  6. Hadalkaaga qayb waa sax qaybna xaqiiqada uma dhawa, lknse mushkilada Habergidir waa majeerteen ee cadaalad samee maxay majeerteen ku u damcaan kursiga mareexaan ku fadhiyo, markaas cudurka Habergidir daawo waa loohelayaa. Sub taariikhda dhamaystir

  7. Fadlan dadka maangaab ah ee qabiil caaynayana waxaan leeyahay annaga soomaali ayaa nadeeqda oo shataftu waxey kujitraa inaad beelwalba oo soomaali ah aad nabad kula noolaan kartid adiga oo aan wax dakano qabiil aan laguu heyn teeda kale waqtigan oo ah waqti futno ah qofka muslimka ah waaxaa wanaaggsan inuu seeftiisa jebiyo markaa ladilo ogow hanoqon kan dulmi iyo qabyaalad wax kudila ama lagu dilo

  8. Cubeyd waxaan leeyahay ,waxaad ku hadashay waa waxa maqaalku idin ka waaninayo ,la iskuma hayo inaad soomaali dilka iyo dhaca hantidooda inaan qolana idin ku garin ,marka dad laynta iyo dawladnimo diidka ,iyo wali bililiqo u hanqaltaago qofna idin kuma haysto taas saaxiib Cubeyd taas ha ka walwalin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here