FAALLO:- MADAXWEYNIHII QARANKA OO LAGU SHEEGAY MID MARTI KU AH CAASIMADII DALKIISA UU MADAXWAYNAHA U YAHAY.

1

Waxaad arkaysaa waayadan in lagu soo duulay curyaaminta dawladnimada somaaliyeed ee hana qaaday.Arimahan oo imanaya kadib markii la arkay in soomaaliya ay soo kabanayso,dhan walba ama ha ahaato dhanka amaanka ama ha ahaato dhanka dhaqaalaha.Waxaa shacabka soomaaliyeed arkaan in dawlada uu hogaaminayo madaxwayne Farmaajo iyo khayre ay wax wayn kabadaleen amaankii Mogdisho,inay wax wayn ka qabteen ilaalinta hantida umada soomaaliyeed,inay bixiyeen mushaharkii shaqaalaha iyo ciidanka dalka si joogta ah.waxaad aragtaan dawlad wanaag,furfurnaan iyo kasbashada guud ahaan calaamka iyo shacabka soomaaliyeed intaba.

Dawladu waxay dalka kasaartay shabaab sida Mogdisho oo kale,waxay uugu tageen sal dhigyadii shabaab kasoo duuli jiray oo la baabashay gabigoodiiba.cadawgii soomaaliyeed ayay ilaa hada baacsanayaan ciidanka xooga dalka soomaaliyeed.dalkeenii waxa uu cagta saaray wadadii dawladnimo nidaam iyo kala danbayn.Tani waxay dan u tahay qofkasta oo muwaadin soomaaliyeed ah.maxaa dhacay markii la rakay hormarkan dawaldnimo ee xawliga ku socda?

 

Dawladihii shisheeye ee cadawga ku ahaa jiritaanka dawladnimada soomaaliyeed,ee dii dan in aynu helo dawladnimo oo ahaano dad iyo dal jira oo dhisan ayaa soo adeegsaday dad soomaaliyeed oo u ah adeegayaal shisheeyahaas cadawga ah.waxaa lasoo siiyay malaayiin lacag ah oo loogu tala galay in ay ku laaluushaan,odayada dhaqanka,qabqablaha beesha iyo baarlamaanka soomaaliyeed,si markaa ka dib loo curyaamiyo in ay hana qaado dawladnimada soomaaliyeed.waxaana la rabaa in dalkeena loo celiyo in laysu dilo qabiil iyadoo macnuhu yahay in shabaab dib u abuurmo oo dadka lagu bilaabo gawrac kasii qaab daran kii hore. in dalku galo fawdo iyo dib u dhac uusan kasoo kaban karin.

 

Waxaa jira niman dhawr ah oo ah fuliyayaasha afkaaraha shisheeye ee dalkeena lagu baa bi inayo.waxaa kamid ah ragaan qorshaha fulinya xil dhibaano,waa cabdishakuur,waa fiqi,waa mahad salaad,waa odawaa,waxay hore u fuliyeen inay dhiibaan qalbi dhagax oo ahaa nin iska joogay magaalada mogdisho si nabad ahna ku joogay.fikirkaa waxay u fulinayeen dawlada eihtiopia oo dano kalahayd arinkaas.hadana waxba waa kasocon waayeen mana u dhicin siday filanayeen.Hadana dawlada emaraadka ayaa usoo dhiibtay in ay baarlamanka lacag u qaybiyaan oo dawlada ridaan si emaraadku uuga guulaysto Turkiga oo larabo 2018 kadib in laga saaro soomaaliya.

 

Waxaa marlabaad fuliwaayay in qilaabkaas guracan,baarlamaankii soomaaliyeed waa ka hortagay arintaa oo waxay difaaceen sharafka diintooda dalkooda iyo dawladnimadooda.Waxaa dhacday in markaa daba dhilifyadii ay bilaabeen in dadka qabiil qabiil laysugu dhufto oo dib loo sooceliyo loona soonooleeyo arimihii laga soo gudbay ee qabiilka iyo qoriga.Odayaashii beesha hiraab ayaa lasiiyay lacag,waxaana Mogdisho lagu arkay kicin qabiilo iyo warar ah daarood baa nahaysta!

 

Dawlada ayaa qabatay nin danbi faraha kula jira oo qaran dumisnimo lagu haysto.Cabdishakuur markii la qabtay niman beeshiisa ah ayaa ciidankii dawlada dagaal kala horyimid ku tala gal bayna ahayd.kidib odayadii iyo beeshii hiraab oo nin ka maqnayn wax garadkoodii ayaa u tagay madaxwayne farmaajo waxaana loo sheegay in mogdisho uu san sii fadhiyaynin habeen haduusan faraha ka qaadin madaxda beesha hiraab? waxay u sheegeen in mogdisho iyagu leeyihiin isaguna yahay marti. waa loo hanjabay wax loo reebtay madaxwaynihii dalka ma ay jirto.madax waynuhu waxa uu yiri Anigu madaxwayne umadeed ayaan ahay beelna duulaankuma ihi gaara beel gaarana madaxwayne uma ihi.

 

Waxay odayadu beeshu shiriyeen madaxdii wasiirada iyo duqa magaalada ee beeshooda kuwaaso ku raacay mawqifkaa beeleed,waxaana laysu sheegay in siyaad bare layska saaro iyagoo uula jeeda FARMAAJO.

 

Cabdishakuur oo ka shaqeeyay in beel ahaan dadka lagu kiciyo oo qabiil ahaan FARMAAJO loo weeraro kuna guulaystay arinkaa ayaa shirkii dhexdiisii ka sheegay sida aynu wada daawanay oo aragnayba, hadal soomaali lagu kala geeyay oo ah “Waxaa guul ah in inagii martida naloo ahaa aan sharciga wax ku raadino halka kuwii martida inoo ahaa ay xoog wax ku raadinayaan” Hadalkaan waa mid waayadanba soo noqnoqo naayay oo FIQI oo agfadhiya cabdishakuur hawshana lawada ayaa hore ayaan dhawayd idaacadaha uugalahaa oo soomaali wada ogtahay “Adeerkii siyaad bare ayaan inta gobolada isaga yeeranay oo mogdisho isugu nimid cayrsanay isagana xoog baan uuga saarayna mogdisho iyo madaxtooyada” gumaadkii beesha daarood xasuusinteed weeye.

 

Qabiilkan hada aadka ay u shidayaan,macnaheedu maha mid ay cid uugu danaynayaan,waa fulin afkaar shisheeye iyagoo ku badalanaya lacag iyo shilimaan carab soosiiyay. shaqadoodu waa inay iibsadaan diinta dalka iyo dadka soomaaliyeed,waxay jecel yihiin in dawladu burburto hada soomaaliyana aysan helin dawladnimo danbe.haday beel yihiin oo hawiye iyo hiraab dan ka leeyihiin imisa madaxwayne ayaa soomaray iyagaa boqnaha gooyay oo u diiday inay shaqayso.meesha qabiil mayaalo nimankaani waa dan leey waligoodba huriya qabiil in soomaali isu disho oo macnuhu yahay nin qabiil isu dilayaa dawlad noqon maayo waligiis. dadka soomaaliyeed marka durbaanka qabiilka loo garaaco waa dad u nugul oo u jilicsan isagiibay inoo is ticmaalayaan.Laakiin laga yeeli maayo waana layska qaban oo sharciga la horkeeni mar dhaw.

 

Dadka soomaaliyeed ma aqbalayaan cabdishakuur oo ku dhashay galgaduud kadibna 1991 usoo bililiqo doontay MOGDISHO iyo caasimadii soomaaliyeed,iyo FARMAAJO oo ku dhashay MOGDISHO in maanta uu ku hadaaqo MOGDISHO ayaan taabsaday,dadna waa laayay guryo dadoowna waa haystaa Adeer warkaasi waa kaa halaabay meel xun buuna kaamaray, labadiina MOGDISHO hadayba cidi gaar u yeelan FARMAAJO ayaa leh oo u dhashay. Hadii loo fiiriyo asal ahaan labadiinu halkaad ka dagtaan soomaaliyana hade halmeel ayaad kawada timaadeen oo ah gobolada dhexe ee soomaaliya gaar ahaan waxaa tihiin reer galgaduud.

 

Marhaday sidan tahay waxa keenay farmaajo iyo daarood ismaaciil waa marti oo casimadooday marti ku yihiin oo anay ii yihiin macnaheedu waa inagu celiya dib dagaalo qabiil laysu dilo tana labada beeloodba kaama yeelayaan adiga iyo kuwa kula socda unbaa ku aduun iyo aakhiro seegay buunka qabyaaladeed ee aad afuufaysaan.hawiye maha shaati iyo buste laysku qariyo adoo habargidir ah ayaad is tiri u kici dadka sidii hore laakiin madaxdii u saraysay beesha mudulood waa is sheegeen mudane geedina waa cadeeyay in riwaayadaa qabiil kicinta ay soomaali ka soo gudubtay,daarood ismaaciila waaba masuulkii qaranka soomaaliyeed soomaalina u siman tahay oo raba dawladnimo iyo hormar.

 

Waxaa axdi iyo balan ah cid allaale iyo cidii ka hortimaad dawladnimada soomaaliyeed ee u shaqaynaysa shisheeyaha ee dawald diidka ah in sharciga la horkeenayo.dawladnimada maha mid iska taal meel banaan oo lagu helo bilaash,waa ognahay in dawlada cadaw gudaha ah oo dawlad diid ahi jiro suuro galna nooma aha in aan kuwda noolaano dalkan daba dhilif shisheeye.waxaan diyaar u nahay in aan difaacno dawladnimada soomaaliyeed una dhimano si soomaaliya u hesho dawlad nabad iyo nolol.dawladaani maha dawlad beeli u han jabto mana aha dawlad isha ka fiirsanaysa cid kastoo caqabad ku ah qaranimada soomaaliyeed.Adeer Erdogan madax waynaha turkiga shalay markii la in qilaabaayay,dadku turki bay ahaayeen laakiin shisheeye ayaa gadaalka taagnaa oo watay,markii la fashilay duulaankii qaranka turku lagu soo duulay Erdogan waa siyaartay miyaa ragii la qabtay mise kurkaa laga guray oo sharcigaa la horkeenay? lama xir xirin miyaa? mise tolkaa usoo baxay oo yiri cartaabta rageena?

 

dawladi waxay ku tahay dawlad in ay tiirka taagto cadawgeeda duminaya jiritaanka qaranimada dalkeeda.Nabad sugida qaranka soomaaliyeed yay tahay cida ka awood badan ee ciday qabsadaan ka daba iman karaysaa? aduunka ma ka jirtaa in xaafadaha looga sheekaysto iyo baarlamaanada arimaha ciidanka amaanka qaranka? Nabad sugida qaranka ma waxaa isku taagi kara madaxwayne iyo wasiir iyo xildhibaan? nabad sugidu ma booliisbaa? soomaalidu macnaha nabad sugida wali ma fahmin miyaa oo waxaa wareer shay 30 sanadood ee dawlad la aanta la ahaa.

 

Ciidamada nabad sugida qaranku ma inay isha ka fiirsadaan baa dawlado shisheeye ah oo faragalin ba an ku haya dalkeena siyaasadiisa,oo dad lacag ay soo siiyeeni gato dadkeena oo qabiil dhagar ah laynagu fuliyo?Aduunyada kama jirto cid nabad sugid daba gasho cid ka cararta mooyee cid arimahooda faragalisa oo suuqa uu gasheekaysa oo saxaafada ka caydaa majirto caalamka dalkeena mooyee.soomaalidu waa dad fiican inayr ayaa ina qasaysa waa in sharciga la marsiiyaa.waxaa lagu qasban yahay oo dawladaani ku qasban tahay in la qaqabto dadka dawlad diidka ah ee wada kicinta qabiilada iyo iska horkeenkooda iyo shirarka aysan dawladu u fasixin ee layska qabsanayo sidii ayadoo aysan dalka ka jirin dawlad.

 

Dawaladnimada soomaaliya waa mid dhaqaaqday oo guulaysatay.dawladiid shabaab iyo dawlado shisheeye ee ah cadawga soomaaliya waa ka guulaysanay guul weeye in ciidamada shisheeye baxayaan dhawaan dalkana uu la wareegayo ciidanka qaranka soomaaliyeed,oo difaacaya bad iyo bari iyo cir qalabkiisiina u dhamaystiran yahay.waa laga gudbay wixii soomaaliya buruburiyay iyo dagaalo sokeeye intaba.

W/Q: Yuusuf Omar
mashruuc5@hotmail.co

 

Comments are closed.