FAALLO-KOOBAN:- Waayo Mucaaradka Maanta?

3

Mucaaradka maantey ee Soomaaliya waa kuwii diley AUN Gen Caaydiid, Mucaaradka Maantey waa kuwii Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan u diidey Muqdisho inuu doowladnimada u saldhigo.

Mucaaradka Maantey waa kuwii maxkamadihii dhabarka ka jebiyey.

Mucaaradka maantey waa kuwii AUN Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf iyo R/wasaare Geeddi diidey ineey xukumaan.

Mucaaradka maantey waa kuwii Madaxweyne Sheekh Shariif kala horyimid diidmo iyo dacaayad.

Mucaaradka maantey waa kuwii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud 4 Sano qeeylada la dabo taagnaa, caayda magac bixinta dumin iyo dagaal beey kala hor tageen.

Hadaba kuwaasi waa kuwama?

Kuwaasi waa kuwa diidan maamul doowladnimo Nabad iyo horumar ineey Soomaaliya hesho ujeed kooda waa ineey wanaag kaste xumaan kala hor tagaan.

Waa ineey qof kaste oo wanaagsan u sawiraan inuu xun yahey. Waxeey badan kooda u shaqeeyaan doowlado shisheeye oo aan rabin Soomaaliya oo nabada marka kooxahan beey adeegsan shisheeye.

Waxeey diidan yihiin maahan Madaxweyne Farmaajo iyo R/wasaare Kheeyre ama qabiil gaara ee waxeeysan rabin Muqdisho oo nabad noqoto kala dambeeyn iyo sharci ka shaqeeyo Soomaaliya.

Marka hadaad Soomaali fiyoow aad tahey waxaa kula gudboon ineeysan qabyaalad kugu beerlaxoowsan qaran diidka iyo Soomaali diidka.

Ogoow oo maanka ku heey 150 million oo cadoow Soomaaliyeed ah baa nagu wareegsan kuwa oo nagu neceb Diin iyo Dalkeena hodanka oo la doonaya inta nala kala qeeybiyo in nalaka qaato taasna qabiil kuma badbaadi karo midnimo kaliya ku difaaci karta adoo qabyaalad katago.

Gabagabadii Diid dawlad diidka daneeystayaalka qabyaalad iyo qeeybin dabadhilifka aan diidno.

Ilaahey dalkeena nabad haka yeelo aamiin.

Muwaadinad Soomaaliyeed

 

Comments are closed.