FAALLO:- Yaan Soomaaliya Fursadda laga Lumin.

0

Soomaaliya waxa ay maraysaa marxalad muhiim ah oo ay dib uga soo kabanayso qalalaaso iyo burbur baahsan oo qaatay ku dhawaad 30 sano, waxana jirta yididiilo iyo rajo weyn oo laga qabo in dalku uu dib lugihiisa isugu taago. Dhibaatada xilliga dheer qaadatay ee ku habsatay qaranka Soomaaliya, waxa ay saamaysay nolosha muwaadiniinta Soomaaliyeed oo dhan iyo danaha ummadeed ee aynu leenahay, mana jirto cid ku niyadsan waxa uu dalkeennu soo maray haddii aanay ahayn dhinacyo dano gaar ah leh oo laga yaabo inay ku faa’iideen oo ku hodmeen sharci la’aanta dalka ka jirtay, iyagoo ka baqanaya inay dawladnimada oo soo laabata iyaga ay khatar ku tahay.

Hase ahaatee, dadka Soomaaliyeed ee samaha iyo nabadda jecel waxa ay ka midaysan yihiin in wadada qura ee ay nabad iyo nolol wanaagsan lagu heli karo ay tahay iyadoo la taageero Dawladda sharciga ah ee dalka ka jirta si danta guud u meel marto. Waxaa marag-ma-doonto ah in rabitaanka wanaagsan ee inta badan dadka Soomaaliyeed ay hirgeli doonto, oo tiro yar ee danleyda ah aysan hor istaagi doonin.

Xilliyadii u danbeeyey waxaa jiray shakhsiyaad iyo kooxo soo bandhigayey mucaaradnimo aan qiil iyo sal wanaagsan toonna lahayn, taasi oo ay kaga soo horjeedaan Xukuumadda talada haysa iyo hoggaanka qaranka, waxana muuqata in mucaaradnimadooda inta badan laga maalgeliyo dalka dibaddiisa, waxaase ayaan darro ah in madax u dhaaratay qaranka Soomaaliyeed ay qayb ka yihiin qorshahan khiyaamada qaran ah ee dalka lagu manjo xaabinayo, isla markaana, meel ku dhac ku ah haybadda dawladnimada Soomaaliyeed. Madaxdaas oo waa yaabe ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka oo ah halkii ay waajibka ku ahayd in laga difaaco rabitaanka shacabka iyo dawladnimada.

Waxaa guul weyn ah in dadka Soomaaliyeed oo runtii waaqica la socda ay faham durugsan u leeyihiin shakhsiyaadka iyo dhinacyada mucaaradka ah ee iyadoon sanad ba gaarin is hortaagga ku samaynaya waxqabadka iyo hannaanka geeddi-socodka nabadda iyo dawlad dhiska ee haatan socda ee ay garwadeenka ka tahay Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. Waxaa xusid mudan, in bulshada caalamku qirsan tahay waxqabadka iyo hufnaanta madaxda talada haysa ee Soomaaliya, lana aamini karo xukuumadda iyo madaxda qarankeenna.

Shaki kuma jiro in inta shaqo socoto ay jirayaan qalad iyo gafaf la gelayo, laakiin waxa ay noqonayaan kuwo wax laga barto, waxaana looga gudbi karaa isu tanaasul iyo in miiska wada-hadalka la wada fariisto. Waxaa jirta dad aan doonayn inay wadahadal wax ku raadiyaan, maxaa yeelay waxay fahamsan yihiin in dooddoodu aysan qiil lahayn oo aan lala shir tegi karin. Mucaaradka Xukuumadda Ra’iisul Khayre waxa ay u muuqdaan kuwo qaab hayb beeleed u abaabulan, waxana damac kaga jiraa kursiga Ra’iisul Wasaaraha, iyagoo wax walba u samaynaya sidii ay meesha uga saari lahaayeen Xukuumadda si toodu u meelmaro.

Madaama ay xilli cayiman xilka hayn doonto Xukuumaddan Ra’iisul Wasaare Khayre, waxaan kula talin lahaa dhinacyada mucaaradka siyaasadeed ah inay sugaan markooda, oo aysan sumcadda iyo mustaqbalkooda siyaasadeed xumayn, isla markaana ay u turaan nabadda iyo dawladnimada Soomaaliya, maxaa yeelay Soomaaliya ma qaadi karto qalalaaso siyaasadeed iyo daganaansho la’aan joogta ah oo qof walba saamayn karta.

Waxaan ku soo gaba-gabeynayaa dawladnimadu waa teedka iyo darbiga ugu muhiimsan ee umadduhu ku naaloodaan, kana reebban isbarbaryaac. Isqabqabsiguna waa astaamaha ugu horeeya ee lagu garto dawlad xumida iyo fashilka dawlad wanaagga. Umadaha qadarinta iyo tixgalinta ku leh nolosha, waxay ku tiirsan yihiin nidaam dawladdeed oo u taagan aayo ka talintooda. Dhammaan xadaaradaha lajanto ee dunida ka hanaqaaday waxa hormuud ka ahaa dawlad han iyo higsi leh, Soomaalidana waxaa la gudboon iney iska daayaan is-qabqabsiga dhexdooda oo u istaagaan sidii horumar iyo iskutashi waara loogu heli lahaa dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

 

W/Q Ahmed-nur Mohamed
E-mail; axmednuur59@gmail.com