MAQAL IYO MUUQAAL:- Prof. Cali Maxamed Geeddi “Muqdisho cidna marti kuma aha, cidna marti loogama noqon karo”

9

Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Dowladdii Kumeel Gaarka ahayd Mudane Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa farriin qaran u diray shacabka Soomaaliyeed isaga oo ugu baaqay in ay dowladnimada ilaashadaan.

Ra’iisul Wasaare Geeddi ayaa caddeeyay inuu ka xunyahay qodxaha iyo jilaafooyinka loo dhigayo dowladnimada curdanka ah isaga oo kula dardaarmay in dowladda dhaliil wax dhiseysa loo jeediyo oo aan mucaarado iyo fowdo dalka laga kicin.

Prof. Geeddi ayaa ka hadlay warkii kasoo yeeray Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee ahaa in dad marti ku ah magaaladan ay jiraan, wuxuuna ku tilmaamay hadalkaas mid gef ku ah shacabka Soomaaliyeed ee ah hal qoys. Waxa uu adkeeyay in qof dalkan inuu hoggaamiye ku haminayo uu ku hadlo hadallada sidan u hooseeya.

Ugu dambeyn Ra’iisul wasaarihii hore ayaa ka dhawaajiyay guulaha ay Xukuumaddu ku tallaabsatay iyo sida beesha caalamka ay dadaal ugu bixineyso in ay Soomaaliya soo kabato.

HOOS KA DHAGEYSO

HOOS KA DAAWO

Comments are closed.