MAQAL IYO MUUQAAL:- Prof. Cali Maxamed Geeddi “Muqdisho cidna marti kuma aha, cidna marti loogama noqon karo”

9

Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Dowladdii Kumeel Gaarka ahayd Mudane Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa farriin qaran u diray shacabka Soomaaliyeed isaga oo ugu baaqay in ay dowladnimada ilaashadaan.

Ra’iisul Wasaare Geeddi ayaa caddeeyay inuu ka xunyahay qodxaha iyo jilaafooyinka loo dhigayo dowladnimada curdanka ah isaga oo kula dardaarmay in dowladda dhaliil wax dhiseysa loo jeediyo oo aan mucaarado iyo fowdo dalka laga kicin.

Prof. Geeddi ayaa ka hadlay warkii kasoo yeeray Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee ahaa in dad marti ku ah magaaladan ay jiraan, wuxuuna ku tilmaamay hadalkaas mid gef ku ah shacabka Soomaaliyeed ee ah hal qoys. Waxa uu adkeeyay in qof dalkan inuu hoggaamiye ku haminayo uu ku hadlo hadallada sidan u hooseeya.

Ugu dambeyn Ra’iisul wasaarihii hore ayaa ka dhawaajiyay guulaha ay Xukuumaddu ku tallaabsatay iyo sida beesha caalamka ay dadaal ugu bixineyso in ay Soomaaliya soo kabato.

HOOS KA DHAGEYSO

HOOS KA DAAWO

SHARE

9 COMMENTS

  1. Proff. Ali Mohamed Geedi waa Halyeey soomaaliyeed oo runta abaara! Madaxweyne qaran oo jooga caasimadda dalkiisa oo lagu leeyahay marti baad tahay, waa hadal aqoonta, garashada, masulnimada, akhliga fayow dhaawac ku ah.

  2. Bal eeg ninkaa baa rabey in uu dalka hogaamiyo oo aynu doorano
    Duf kubax
    Dowladu weyku saxsaneed markay ku aydeysay qarandumis
    Waar ma calankii buluga Marit lookala noqonhaay
    Keebaa Marit u ah keesa Marit ka åh
    Caasimada halageeyo boorame ama boohoodle

  3. hadalkii sooma-hoyde (abdirahman c/shakuur) ma mudna in la ii qaadqaado ,sababta oo ah qofka hadal yiri qof caqli leh ma ahan-wuxuu ku indha qaaday iyaga oo wax aysan laheyn sheeganaya(ku habsanaya) haddii qof marti yahay isagaa marti ah ,weliba marti culus oo dhaqan xun-prof geedi weligi saxda buu abbaaraa ,waxayse aheyd inuu intaas kaga sii fogaado oo sheego haddii marti jirto marti inuu kan sheegay kow ka yahay-cabdirahman waxa uu ceebo leeyahay inuu aamuso buu ku fiicnaa

  4. xaqiiqii madaxweynaha soomaaliya haduu San runta u sheegin kooxdaan qaswadayaasha habar gidir ee dowlada kasoo horjeeda oo aa looga guurin xamar Somalia ma xasiliso sababtoo ah dhibka soomaalia bay ka macaashaan dhul ,guryo aysan lahayn bayhaystaa, koodii ugu siyaasi sanaa waa kaas ,

  5. Dad horaa yiri qofba qowlkiisuu hadlaa qorina qiiqiisuu uraa.
    Marka ninka yiri xamar dadbaa marti ku ah waa shiqsi ka quustay sharaftiii soomaaliyeed xaala maqabto waayo waa hadal qof xanuunsan oo waliba dhimirka la.
    Aad ayaan uga xumaa habeenkii gurigiisa loo dhacay iyo geeridii naxdinta lahayd ee lagu laayey xiidankiisii oo aan ka wada oonay. Marka inuu hadal xanafleh yiraahdo waa ceeb ceeeb weyn.

  6. Geedi waa dameer waxna idiin maqaban karo ilkyareey farmaajo madaxtooyo waa kaqaxay gaashandhiga ayuu yugaandha marti ugu yahay wiilashii lagu laayey guriga aqoonyahanka waala eedayaa ama bacaac Dhaha ama abgaal hoos fariista ama ooya xabad xanuunkeeda waa dhadhaminaysaan

  7. Anigu waxan Eedan Saraya 2 masul ee xukumada ugu sareya,Geedi wa mahadsanayahay,sida wanagsan ee uu uhadlay wa sax,ninka laxiray ee Abdiraxman Abdishakur warsame asagu hadalkisa wax ka soqad malaha sababto ah,nin sixun lola dhaqmay oo dadkisa lalayey oo xabsi la dhigay,hadalkisu malaha wax ka soqad.

  8. Mahadsanid Cali Mahamed gedi Sidaas ayaa siyaasi uhadlaa rajo kaleh in uu mar hogaan qabto. Raga qeeylihaa xamar Kuma dhalan waa uguyimideeyn madaxda dalka ka ah. Iswanaajiya haladaayo qabyalaha dowlad kumiska ah. Raga hada talada hayo waxaa looga fadhiyaa in waxbadan qabtaan. Nagarsiyaan one man one vote 2020. Dowlada hala tageero dhamaaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here