DHAGEYSO: RW hore CCC Sharmaarke beeniyay in uu wado mooshin ka dhan ah Dowladda

3

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaaliya, ahna Senater ka tirsan Golaha Aqalka Sare, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa waxuu beeniyay in uu wado abaabulka mooshin ka dhan ah Dowlada Soomaaliya.

Waxaa uu Mudane CCC Sharmaarke uu xusay in aysan jirin sabab uu u dumiyo Dowlad markii la soo dooranayay uu isagu codkiisa siiyay.

Balse waxaa uu qeexay in uusan ku qanacsaneyn sida ay haatan wax u wadaan madaxda Dowladda.

 

 

 

SHARE

3 COMMENTS

  1. Xalweyste waa dalaalka ugu weyn ee imaaraadka oo loo adeegsanaayo beecinta dalka iyo dadka waa in xasaanada laga qaadaa madhergahaan waa manexe aan xishoonin si toos ahna ugu amar qaata qaaimiinta imaaraadka sidii uu dalka ugu gacan gelin lahaa wuxuu kuleeyahay codkeyga ayaan siiyey taasi waa uu kuqasbanaa mudadiisi wuu qaatayee muxuu dawadhilif unoqonaa haduu wax yar xataa uu dhiig leeyahay

  2. Duf ku bax maxamed nur inangumeed xunbaad tahaye boqorka haw gafin waa madaxwaynaha mustaqbalka Cumar waa khabiir siyaadaseed farmaajo waa shimbir daciif oo baalkii ka qoyay godkeedana ay biyo ugu galeen.

  3. CCC,Ma hadleyn haddii ay jiri laheyd Sareynta sharciga,waayo asaga waa CCC IYO CCSH,waxaay dadka iyo dalka galeyn tuhun dembiyeed weyn oo ah Treason ama qiyaana qaran.waa arrinta ku saabsan muranka ay geliyeen badda Soomaaliya CCC wuxuu ahaa Ra’iisulwasaare ku meel gaar ah, CCSH-na wuxuu u ahaa wasiir.
    Soomaaliya waxaay dhul iyo dadkaga maqan yihiin Kenya, laakiin Kenya dhul ay leedahay kagama maqna Soomaaliya.

    Ladada nin ama labada dullaal sida dad badan u arkaan waa waa dad waaweyn caruur ma ahan,haddana waa Aqoonyahano micnaha lagu tiriyo baxda wax soo baratay.

    Waxaay dheheen Kenya ayaa nagu haysata badda sidaa awgeed waxaan kala galeynaa wada hadal.
    Tusaale Guri baad leedahay ama Beer micnaha Hanti ma guurto ah, maalin maalmaha ka mid ah Qof baa kuu yimid wuxuuna qayb ahaan sheegtay inuu adagu leeyahay Beertaadii! Labadiina yaa dacwaanaya? Ma adiga oo ah kii lahaa dhulka ama isku arkayey mase Qofkaan cusub ee oranaya anigaa qayb leh Hantidaada?

    Jawaab waxaa dacwoonaya qofkaan cusub ee kugu haysta dhulkaaga, adigu waad garbaxaysaa marka uu asagu dacwoodo oo arrintu gaarto garsoorka.
    Haddii si kale marmarsiiyo ay ka dhigtaan aniga soomaali ahaan ma nihin dowlad xoog leh oo badaheeda ka difaacan karta Kenya amaba cid kale sidaa awgeed baan u aqbalney inaan wada xaajood la galno Kenya oo sheeganeysa Badda Soomaaliya Qayb ka mid ah. Marka ay sidaa loo dhigo Soomaaliya maadama ay tabar darran tahay,waa waddan ka mid ah UN-ka,micnaha xubin ka ah Jimciyadda Qaramada midoobey, sidaa awgeed waddan kasta oo la kulma Xaaladda Soomaaliya waxaa ka masuul ah Qaramada midoobey,weliba Security Council-ka,sidaa awgeed Soomaaliya waxaa u furnaa iney Kenya ku dacweyso UN-ka+Security Council-ka,iyagaa ka masuul ah difaacidda Dadka iyo Dalka Soonaaliya waxaana dhigaya amaba ay ku qoran tahay Charter United nations. Waxaa jira wax la yiraslahdo Territorial integrity. Laakiin caqliga CCC IYO CCSH, waa mid cay ku ah Human intelligence,micnaha caqliyadda Bini-aadamka.

    Haddii ay Soomaaliya ka jiri laheyd sarreynta sharciga, dadka Soomaaliyeedna ahaan lahaayeen kuwa ka caafimaad qaba cudurka qabyaaladda ee dullinimada dhaxal siiyey,hadal iska daaye cinqaab bay mudnaayeen welina mudan yihiin waayo dembigu ma ma meyrmo ama ma dhaqmo( you can’t wash crime).
    Iyadoo arrinta ah dembiga ay shacabka Soomaaliyeed ka galeen CCC IYO CCSH,ummadda Soomaaliyeed ay indhaha ku hayeen welina ku hayaan,ayaa waxaa marar badan ka hadlay Xeer Ilaaliyaha Qaranka,wuxuuna u muuqday nin ay ka soo burqunayeen hadallo xigmad badan oo weliba ah professional,laaliin maalmihii ugu dambeysey markii 2016 ay socotay dacwadii u dhexeysey Kenya iyo Soomaaliya,kana socotey waddanka Netherlands ama Holland,ayaa waxaa jirey hadal aan qurux badneyn oo ka soo yeeray Xeer Ilaaliyaha Qaranka,islamarkaana ahaa mid lagu difaacayey Nimankii muranka geliyey Badda Soomaaliya,waxaana ka mid ahaa hadalka Xeer Ilaaliyaha Qaranka in Memorandum of understanding uu ahaa mid wanaagsan! Halkaas waxaa ka dhalan kara su’aal ah maxaa ku qasbay Xeer Ilaaliyaha Qaranka inuu sidaa u hadlo?jawaabtu waxaa waaye CCC waxaa Ra’iisulwasaare ka dhigtey Xasan Sheikh Maxamuud,iyadoo ay dad badan oo Soomaaliyeed ka yaabanaayeen arrintaas, isla markaana xasaasiyaddii badda Soomaaliya ay meel xun gaartay oo dacwadii bilaabatay, islamarkaana Xasan Sheikh Maxamuud doonayey inuu ku soo baxo doorashadii la isku diyaarinayey madaxweynaha Soomaaliya 2016,taas ayaa keentay is bedelkii ku yimid Xeer Ilaaliyaha Qaranka.
    Bini-aadamku si uu u noolaado wuxuu u baahan yahay nadaam iyo kala dembeyn,taasna waxaa lagu

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here