DHAGEYSO+SAWIRRO: Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo damaanad Xabsiga looga sii daayay iyo Shuruudo la dul dhigay sii deyntiisa.

1

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa waxaa goor dhow laga sii daayay Xarunta Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), oo uu ku xirnaa tan iyo habeenkii Axada.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa Ka dib wadahadalo saacado badan qaatay oo tan iyo galabta ka soconayay Magaalada Muqdisho, ayaa lagu guuleystay in xabsiga laga sii daayo Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Sidoo kale Wada hadalo iyo dadaalo aan kala go’laheyn oo ay ku lug lahaayeen Odayaasha dhaqanka madaxweyanayaasha Hirshabeelle, Galmudug, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo Xuldhibaano ayaa oo saacado badan la isku mari la’aa ayaa ugu dambeyn lagu guuleystay.

Dhinaca kale Heshiiska lagu sii daayay oo dhowr qodob ka koobnaa ayaa waxaa saxiixay Odayaasha Dhaqanka, Wasiiro ka socday Xukuumadda iyo C/raxmaan C/shakuur qudhiisa.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxaa damiintay:

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf

Maxamed Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ay wehliyaan Mas’uuliyiintii iyo xildhibaanadii qeybta ka ahaa wada hadalka lagu sii daayay ayaa la sheegay inay aadeen Guriga Iimaamka Mudullood Imaam Maxamed Yuusuf Cali.

1) Inuusan Cabdiraxmaan Cabdishakuur dalka ka bixi karin inta dacwadiisa socoto

2) Inuusan ka hadli karin Saxaafadda iyo inuusan adeegsan karin Baraha Bulshada

3) Inuusan wax xiriir ah la sameyn karin Marqaatiyaasha iyo baarayaasha gal dacwadeedka Maxkamadda la geeyey

4) Inuu yimaado Maxkamadda xilli walba oo looga yeero.

 

Comments are closed.