Sharci dajiyaan ahay hadana ma ogli in sharci lagu dhaqmo

1

Maqaalkaan inaan qoro waxaa igu kalifey markaan arkay war saxaafadeed ay qaar ka mida xildhibaanada BF ay soo saareen kuna saabsanaa arinkii siyaasi Cabdirixmaan cabdishakuur , qodabada ay soo saareen in badan baan dhaliilsanaa ,laakiin qodabkaan rabo inaan iftiimiyo oo maqaalkanu ku saabsanyahay baa aha in siyaasi C/rixmaan C/shakuur si sharuud la`aana loo sii daayo .

Waxaa la yaab leh in Xildhibaano qaran oo sharci dajiyeyaal ah in ay eedeysane maxkamadi ogolaatay in la soo qabto lana baaro ay xildhibaanadii qaranka ku doodaan waa in la sii daayaa bilaa sharuud , waxaa la yaab leh in xildhibaanada waliba u badan kuwa macaardkaahu ay ku doodaan had iyo jeer dawladu waa ka gaabisey nabadgalyada , dawladu sharciga ha ku dhaqanto iyo waxyaabo la mida , hadana inay qof eedeysanaa oo lagu soo oogey khayaano qaran iyo duminta dawladnimada inay yiraahdaan ha la sii daayo shuruud la`aan Waxaase nasiib daraa nimankaas sharcidajiyaasha noo ahi inaysan sharcigaba aqoon ,amaba aan dhaho waa yaqaanaane wuusan sharcicigu iyo dawladnimadu waxba ugu fadhiyin ,amaba aan sii dhaho maba garanayaan inay danbi weyn tahay in dal shiisheeye lagala shaqeeyo in dawladnimada soomaaliya la dumiya ayadoo danaha dalkaas loo adeegayo ,mise in dal shisheeye loo shaqeeyo ayadoo tii dalkeena la duduminayo baaba xagooda caadi ka ah .

Diimaqraadiyadda ma waxay u arkaan qofku wuxuu rabo inuu samayn karo sharci iyo sharci daraba , macaaraddnimadu ma waad adeegsan kartaa wax walba oo sharci daraa saad xukunka u gaartaa , mise waxayba sharci u arkaan xiligii burburka oo qofku wuxuu rabo sameyn jiray in lagu dhaqmaa inayba caadi tahay oo diimuqraadiyad la gaaray tahay .

Xildhibaadaas waxaa la gudboonaa hadey shaki ka qabaan arinka xeer Ilaalayahu ku eedeeyey,ama xariga ay u arkaan caburin mucaarad , inay ku doodaan waa in eedeysanaha uu helaa cadaalad isla markaasna maxkamadeytiisu dadka u farnaato loona soo bandhigo shacabka Soomaaliyeed cadeymaha lagu hayo .

Mise anaba Cadan ka heesayee Xildhibaanada qaylinyaa arinkey lug ku leeyihiin oo xaalku waaba Baroortu orgiga ka weyn .
Mise Hadaan kaftamo xaalku waa anaa burburka Kaadideyda ussoo cabey mana yeelayo in burburka laga baxo .

Abdi Aden
waryaa53@hotmail.com>

Comments are closed.