SARAYNTA SHARCIGA OO MARKII KOOBAD EE DAWLAD SOOMAALIYEED SHARCIGA KUFULISAY XILDHIBAANO DALKA KHIYAAMAY 27 SANADOOD KADIB.

3

Dalkeenu waxa uu ahaa mudo aad u dheer meel aan lahayn dawlad taasoo ay u danbaysay dawlad shaqaysaa dalka 1991.isku dayo farabadan oo lagu baadigoobayo soo celinta hanaankii dawladnimo ee burburay ayaan laga miro dhalin mudo dheer.waxaana isku dadaas laga xusi karaa dawladii Allaah ha u naxariistee Madaxwayne Abdullahi yusuf oo mideeyay dagaal oogayaashii dalka ka jiray,sameeyay dawlad fadaraal ah leh baar lamaan,madaxwayne raysal wasaare, isla markaana ku guulaystay in uu dawlada dajiyo madaxtooyadii dalka looga talin jiray isagoo kasaaray dad shacab ahaa oo xoolo ku haysta kuna ilma korsada!! waxa hada dhisan ninkii laga dhaxlay weeye.

Waxaa soo raacay Mudane sheikh shariif oo halkii kasii anba qaaday oo amaanka mogdisho wax ka qabtay,laakiin dadaalkadib ma noqon mid guulaystay laakiin in la xuso way tahay.inta hada ay dhalatay 8.2.2017 dawladan farmaajo iyo khayre hogaaminayaan waxaa soo noqday mudo yar karaamadii qofka iyo qaranka soomaaliyeed. waxaa lala dagaalamay amaan daradii dalka guud ahaan meelo badan iyo nabadaynta caasimada oo hada ah meel ameen keedu yahay mid buuxa.waxaan jirin wax amaanka shacabka wax u dhima sidii hore u ahaan jirtay oo kale.

Dawladu waxay hirgalisay sharcigu inuu shaqeeyo,dawlada dhexdeeda iyo shacabkaba in sharcigu hogaamiyo oo lagu dhaqo maxaa yeelay dawlad nimadaa sidaa ah.waxay ka saartay magaalada milatari jidka taagnaan jiray oo beel ah dadkana ka qaadi jiray baad oo ahaa mooryaan shaati badalatay maadaama hab dhaqanka dawlad ku sheegtii hore sidaa ahaa.markii dawladu ku soo rogtay in mogdisho milatarigu ka baxana way kala carareen ilaa in yar oo magaalada laga saaray mooyee.maxaa yeelay awalba mahayn ciidan qaran.

Dawladu ciidan bay samaysay isku dhaf ah iyadoo ilaalisay soomaalinimada iyo haykalka dawladnimo maxaa yeelay qabiil sooca maha ciidan qaran sida ay ufahmeen kuwa badaw da ah ee aan garanayn waxa dawladi tahay mooyee.raysal wasaare khayre waxa uu sameeyay ciidan isku dhaf ah oo laga qoray dalka oo dhan.maanta dalkeenu waxa uu leeyahay ciidan dhisan oo qaran oo laysku halayn karo una taagan difaaca dalka iyo dadka iyo diinta oo ah soomaali. heerkana waxaa nagaarsiiyay madaxdeena daacada ah ee ay taageereen shacabka soomaaliyeed oo dhan iyo dawladaha caalamku dhamaan.

Dawladu waxay dhistay nidaam dhaqalaha dalka lagu ilaaliyo oo musuqmaasuqii oo dhan ayay meesha ka saartay,shalay dawladu khasnad maran ayay uugu timid oo soomaali u wada jeedo,maantana waxaan wada arkaynaa khasnadii oo inoo buuxda oo laga bixinayo mushaharkii shaqalaha dawlada,leh miisaniyad dhaqaale oo muuqata,ciidamadii iyo shaqaalihii nin walba koontuu furtay loogu shubo mushaharkiisa nin walbaana waa maqsuud maanta. dawlada soomaaliyeed aduunkii oo dhan baa maanta layaabay sida mudo yar ay dalka uugu dajiyeen dhaqaale tanoo keentay in malaayiin doolar ah dawlad walbaa siinayso maanta.

Hay ada IMF waxay dayntii 5.6 bilion dolars ka cafisay dawlada soomaaliya oo hada socdaa nidaamkii gaba gabo,waxaana guushaa keenay dawlada hada jirta madaxdeeda oo mudnaanta koobaad aynu siinayno madaxwaynaha waayo haduu ahaan lahaa nin qalooc wax u wada oo khaa in ah markaa wasiir dr bayle ma qabteen shaqadaa uu qabtay, laakiin dr bayle oo ah khabiir dhaqaal yahan ah waxa uu arkay madaxwayne daacad u ah dalkiisa diintiisa iyo dadkiisa rabana dawlad shaqaysa oo soomaaliyeed. Markaasaa dr bayle lakala baxay ku tubtiisii oo dhigay waxaan aduunyada hore loogu arag soomaaliya iskaba daayee,waayo dal baa basanaa mudo 30 sanadood ku dhaw ayuu mudo yar kula soosimay heer caalamku aamino oo loo ogolaaday dalkeena dayn iyo deeq iyo maal gashiba. maskaxda dr bayle weeye guushu.

Dawlada waxaa halis galiyay oo dalkii soomaaliyeed ee hormarka tiigsanaayay in ay hoojiyaan oo bartiisii ku celiyaan u tafa xaytay niman hal beel oo sooc ah,kuwaasoo ku naaxay dawlad la aanta iyo fawdada mudo 27 sanadood ah.waxay dhaqan iyo dawladnimo ka dhigteen dawlad la aanta waxay nafka dhigtaan MOOSHIN oo ah dawlad kastoo dhalata in la rido,in laysku diro madaxwaynaha iyo raysal wasaara taasoo hada ka hor u shaqayn jirtay.waxay moodayaan wali in layska dhaafayo intay baarlamaanka ka dhex sameeyaan laaluush? waxay moodayaan in sidii hore ay dawlado shisheeya ah sirta siiyaan hadana iska ahaadaan xubin baarlamaan,waayo qabiilkaygaa iikenay oo idifaacaya? dawladnimada soomaaliya qabiil bay moodeen,maadama hore ay u keeneen in soomaaliya 4.5 wax loogu qaybiyo oo ay u martay. waxay san ogayn in dalku yeeshay dawlad sharcino jiro qabanaya cidii xad gudubta.

FIQI,mahad salaad,odawaa,cabdishakuur,,waa dadkii 27 sanadood mogdisho ku cabaayay dhiiga masaakiinta aan waxba galabsan maha kuwo hada aynu baranayno, dagaal oogaa yaashii ragii u shaqaynaayay ee mutacalinka isaga dhigaayay,ee jariimooyinka fulin jiray weeye.hada oo ay xildhibaano yihiina waxay ka shaqaynayaan laba arin oo kaliya,sidii dawlad nimada loo curyaamin lahaa dalkana loogu celin lahaa fawdadii,oo mogdisho u noqon lahayd sidii ay ahaan jirtay.iyo inay sirta dalka u gudbiyaan shisheeyaha aynu wada ognahay.Fiqi soomali oo dhan waa maqlaysay maalin dhawyd waa ninkii talefishinada iyo warbaahinta ka lahaa,garaad yaradiisa siyaad barana intaan inagoo reer hebel ah isugu yeeranay ayaan Mogdisho kasaaray,farmaajana waan kasaaraynaa inta isu yeerano MOGDISHO si dii aan adeerkii usaaray!! waxaasaa hada ah xildhibaan.

In kooxdan yari diido sharciga iyo dawlad nimada maha mid hada uun ah maalin dhaway waakuwii soo kiciyay beeshooda,oo ku yiri dawladii iyo madaxwaynihii car dila ninkii dilay wasiirka? waa beel soomaalidu wada garanayso,waxay dhaheen sharci marabno,waayo waa dawlad diid.waxay raalikuyihiin siday samayn jireen,in nin kaydoonaan xabadku dhuftaan,dhacaan,gabadhay doonaan,kufsadaan,uuguna yeeraan LOOMA OOYAAN!! waxay hada dhibsanayaan sharci baa jira.waxayna ku dagaalamayaan sidii aysan dawladi soomaaliya uga dhalan lahayn.

Baarlamaanka dalkeenu waa in uu u adeegaa danta dalka iyo dadka maha in uu shisheeye u adeego,cidii lagu ogaadana waa dil waayo waa khiyaano qaran kawayn xabsi.sharcigana maha in xildhibaanka aanu qaban,jagooyinka wayn xil dhibaan ayaa sharcigu qataa iyo kuwa ka hooseeyaba.Ninka cadawga ah ee soomaali isagoo ah ka xun cadawga oo raba in uu dabargooyo soomaali waa in la dilaa sida sharcigu qabo.masuulna maha iyo wax u dhaw toona dalwalbana waa sidaa dunida.maha xildhibaanadu inay xubinimada iyaga loo xukumay waa shaqo lagu aaminay haday gudan waayaan ayaa la cayrinayaa,laakiina rinta danbi lagalaa hadee cid ka hadli kartaanba jirin waayo danbi sharci baa ka yaal,ama ahaw xildhibaan,ama ahoow,wasiir,ama ahoow shacab.qof danbiile ah oo sharcigu qabtay yaa ka hadli karaya? ma qabiil iyo fawdaa dalku sow sharci iyo dawlad malihin? mise dawladiba majirto?

Xildhibaan CABDI SAABIR NUUR SHUURIYE IYO XILDHIBAAN XASAN Macalin sharcibaa dalku leeyahay,sharciguna waa ma naxe qofka waxa uu ka badbaadaa oo kaliya in uu iska ilaaliyo hawlo faldanbiyeed ah.waa in danbiga layska ilaaliyaa.waxaan dawlada soomaaliyeed iyo xeer ilaaliyaha ka codsanaynaa in nimankaa la marsiiyo sharciga qaranka soomaaliyeed.ma dhawran karo dad aanu aaminay oo cadaw ah noo dhuuntay oo soomaalinimada ka soo horjeeda iyo qaranimada dalka soomaaliya.xubnaha baarlamaanka ku jira ee shishiyeeye u shaqaynaya ee duminaya dawladnimada soomaaliyeed ee kicinaya qabaa ilada ee dadka iska horkeenaya waa in sharciga la mariyaa sida aduunyada ka jirta.

Dawlada iyo shacabka soomaaliyeed ha ogaadaan dalkeenu waxa uu leeyahay sharci ninkii ina khiyaamana oo jabiya sharciga dalkeena waxaa qanaya sharciga.markaa waxaan helaynaa amaan iyo nabad iyo kala danbayn.laakiin hadaan taa geero sharici daro macnaheedu waxaa weeye dalka dawlad umarabo taasina waa khiyaano qaran. danbiilaha sharcigu qabto waa hormarkeena.waxay ka xun yihiin in mogdisho nabad ahaato.

Waxaad arkaysaa qof masuul ah oo xildhibaan ah oo sirtii qaranka soomaaliyeed kusoo qoraya meelaha,oo waxaad arkaysaa isago tirada iyo hubka iyo sirta ciidanka qaranka meelaha wad wada taasoo dalwalba danbi ka ah shariciga dalkeenuna aanu ogalayn.hayda nabadsugida oo waxaad arkaysaa aan ka xaysanayn nin xildhibaan ah oo layn soogalay! magaranayo sababtaa,waxaad arkaysaa in looba qaatay in xildhibaan yahay lama taabtaan,in wasiirada iyo hay adaha dawliga ah oo dhan in nabad sugidu aanay qaban karayn ayaa loo qaatay, waa in la fahmaa hay ada nabad sugida qaranka inay gali karto meel walba oo ay ku tuhunto khatar qaran masuulku darajada uu doono ha hayo.waayo sirta hoose ee dalka ayay la socdaan ama ay tahayba in ay la socdaan sidaa daraadeed cidii qaranka khatar ku ah maalin cad bay jiidanayaan cid ka hadlaysana ma jirto.

dadka qaranka duminayaa dawladay ku jiri karaan madaxsare ayay ahaan karaan xildhibaan ayuu ahaan karaa.Aduunka xagee lagu arkay xildhibaan caayaysa nabadsugidii qaranka,xataa wasiir iyo madaxwayne ayaan caayi karin.waa maxay nabadsugidan iska huruda ee layska maamulanayaa? maxaa arimaha sirta ee nabad sugida iyo shu uuntooda soo galiyay xildhibaan? sidee uga hadli karaa? macnuhu shaqadii nabad sugidaa maqan wali.

Dalka dawlad baa ka jirta waa in sharciga la fuliyaa,oo la gu dhaqmaa.cidii kahortimaadana waa in ciqaabteeda la mariyaa.dawlad diidkii waxay layihiin fawdadii ay u barteen,waxayna hada la yaaban yihiin xil dhibaano sharciga la horgaynayo!!! mar hadii sharciga la horgaynayo ma sii ahaan karo xildhibaan.xukunkuna waa xabsi daa in haday nasiib yeeshaan hadii kalana waa dil.

W/Q: Yuusuf Omar
mashruuc5@hotmail.com

Comments are closed.