Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta yeelanaya kulankoodii ugu dambeeyay

0

Xubnaha Baarlamaanaka Federaalka Soomaaliya ayaa maaanta yeelanaya Kulankooda ugu dambeeye ee kalfadhiga 2-aad , iyadoo Mudanayaashu ay fasax galayaan.
Kulankooda Maanta ayaa lagu wadaa inay warbixin looga dhageysan doonaa Guddiga Dastuurka ee Labada Aqal.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa todobaadkii hore sheegay in 16-ka bishan la soo xiri doono kulamada baarlamaanka, kadibna ay Mudanayaashu fasax gali doonaan.

Mudanayaasha Baarlamaanka FS ayaa fasax ku maqnaan doona ilaa iyo bisha Maarso ee sanadka 2018-ka, xilligaasi oo dib loo furi doono kalfadhiga 3aad.

Kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo soo bilowday bishii Luuliyo ee sanadkan ayaa ilaa iyo xilligan waxaa ay yeeshay kulamo fara badan oo lagu ansixiyay hindise sharciyeedyo kala duwan.