Xiisad Dagaal oo Saaka ka taagan Gobolka Bakool

0

Waxaaa Saaka Xiisad Dagaal oo u dhaxeysa Xarakada Al Shabaab iyo Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya laga dareemayaaa qeybo ka mid ah Duleedka Degmada Xudur.

Mid ka mid ah dadka Degaanka ayaa sheegay in xiisada ay dambeysay kadib markii Ciidamada koonfur Galbeed ay bilaabeen dhaq dhaqaaq ciidan.

Waxaa ay sidoo kale sheegeen in Degaanka Abal uu ka dhacay Dagaal culus oo u dhaxeeyaay Al Shabaab iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed.

Sikastaba, waxaa laga qabsi qabaa in Saaka uu Dagaal ka qarxo Degaano kaabiga ku haya Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.