Soomaali lagu dilay rabshado ka dhacay Itoobiya

1

Wararka ka imaanaya Dalka Itoobiya ayaa sheegaya in qeybo kamid ah halkaasi ay ka socdaan rabshado u dhexeeya qaar kamid ah bulshooyinka maamulada halkaasi kajira,waxaana ka dhashey kahsaare dhiamasho iyo dhaawac farabadan.

Inta la ogyahaya  65 ruux oo Soomaali ah ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen deegaano ka tirsan Ismaamulka Oromada Itoobiya, iyadoo uu sii xoogeysanayaan rabshadaha iyo isku dhacyada u dhaxeeya Soomaalida iyo Oromada.

Dadkan ayaa waxaa lagu dilay Tuulada Gadule oo hoos tagta degmada Darulow ee Ismaamulka Oromada ee Dalka Itoobiya,kadib markii ay weerar ku soo qaadeen askar katirsan ismaamulka Oromada Dalkaasi.

Dhacdadan ayaa wararku waxay sheegayaan in ay timid kagadaal markii Ciidamada Liyuu Booliska ee deegaanka Soomaalida Itoobiya ay weerareen deegaan ku dhow Gadule, waxaa halkaas ku dileen labo askari,taasi oo keentay in halkaasi rabshado ay ka dhacaan.

Isku dhacyada u dhaxeeya Soomaalida iyo oromada oo sanadkan bilowday ayaa sii kordhaya, waxaana ku barakacay boqolaal ruux,iyadoo Dowladda Itoobiya ay dhawaan sheegtay in ay gacanta ku dhigtay dadkii ka dambeeyay rabshadaha, isla markaana ay xabsiga dhigtay.

Dagaaladan ayaa saameyn xoogan kuyaalankara wadanoolaanshaha bulshooyinka kunool maamulada ka dhisan Dalkaasi Itoobiya.

Comments are closed.