Soomaali lagu dilay rabshado ka dhacay Itoobiya

Wararka ka imaanaya Dalka Itoobiya ayaa sheegaya in qeybo kamid ah halkaasi ay ka socdaan rabshado u dhexeeya qaar kamid ah bulshooyinka maamulada halkaasi kajira,waxaana ka dhashey kahsaare dhiamasho iyo dhaawac farabadan.

Inta la ogyahaya  65 ruux oo Soomaali ah ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen deegaano ka tirsan Ismaamulka Oromada Itoobiya, iyadoo uu sii xoogeysanayaan rabshadaha iyo isku dhacyada u dhaxeeya Soomaalida iyo Oromada.

Dadkan ayaa waxaa lagu dilay Tuulada Gadule oo hoos tagta degmada Darulow ee Ismaamulka Oromada ee Dalka Itoobiya,kadib markii ay weerar ku soo qaadeen askar katirsan ismaamulka Oromada Dalkaasi.

Dhacdadan ayaa wararku waxay sheegayaan in ay timid kagadaal markii Ciidamada Liyuu Booliska ee deegaanka Soomaalida Itoobiya ay weerareen deegaan ku dhow Gadule, waxaa halkaas ku dileen labo askari,taasi oo keentay in halkaasi rabshado ay ka dhacaan.

Isku dhacyada u dhaxeeya Soomaalida iyo oromada oo sanadkan bilowday ayaa sii kordhaya, waxaana ku barakacay boqolaal ruux,iyadoo Dowladda Itoobiya ay dhawaan sheegtay in ay gacanta ku dhigtay dadkii ka dambeeyay rabshadaha, isla markaana ay xabsiga dhigtay.

Dagaaladan ayaa saameyn xoogan kuyaalankara wadanoolaanshaha bulshooyinka kunool maamulada ka dhisan Dalkaasi Itoobiya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. c/qani says:

    (INA ILEEY IYO TIGREEDA) AYAA MAS’UUL KA AH WIXII DHIBAATO AH OO SOO KALAGAARA LABADAAS SHACAB EE WALAALAHA AH?

    SABABTOO AH ISAGA AYAA BILAABAY(IN UU KU WEERARO LIYUU POLICE) HADABA WAA IN GOBOLKA SOOMAALI GALBEED LAGA CAYRIYO” MAAMUL KUSHEEGA INA ILEEY! EE KA AMARQAATA( JABHADA TIGREEDA) EE BURBURTAY??




ADVERTISMENT

LATEST NEWS

Taliyaha Ciidanka Xooga Gorod Oo Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Ku Timid Alle Ha U Naxariistee Taliye ku Xigeenkii Ciidanka Badda Soomaaliyeed
- Jan 19, 2018
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye gaas C/wali Jaamac Gorod, ayaa Ehelada, Ummadda Soomaaliyeed ...
Dhageyso:-Dawlada Somalia Oo Ku Guuleysatay Maxaabiis Soomaali Ah Oo Ku Xirnaa Dalka Hindiya In La Siidaayo
- Jan 19, 2018
Golaha Wasiirada Ee Dawlada Soomaaliya Ayaa Sheegeen In Ay Dawlada Soomaaliya Ay Dhawaan DalkaDib ...
TOP NewsDhageyso:-Xukuumada Somalia Oo Sheegtay In Sanadka 2020 Laqabanaayo Doorasho Qof Iyo Cod Ah
- Jan 19, 2018
wasiirka war faafinta xukuumada soomaaliya eng c raxmaan yariisoow ayaa warbaahinta u sheegay in ...
Madaxwaynaha Dawladda Puntland oo Booqosho ku Tegay Goobihii Wax barasho iyo Hoygii uu ka Degenaa Yaraantiisi Magaalada Dhuuso-Mareeb (Sawiro)
- Jan 18, 2018
Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaaWaxa uu soo booqday iskuulkii uu ...
Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Magaalada Dhuuso-Mareeb kaga qayb galay xaflada midaynta maamulada Galmudug iyo Ahlusunna-Waljameeca (sawiro)
- Jan 18, 2018
Madaxwenaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa  waxa uu magaalada Dhuuso-Mareeb kaga ...