Xukuumada Somalia Oo Wado Dadalo Ay Maxaabiista Ku Xiran Caalamka Ay Dib Ugu Soocelineyso Dalkooda

0

Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Xaamud ayaa sheegay in ay wadaan dadaallo ay dib ugu soo celinayaan Maxaabiista Soomaaliyeede ee ku xiran Xabsiyada Caalamka.

Waxa uu xusay Wasiiru dowluhu in todobaadkaan illaa 7 Maxbuus oo ku xirnaa Seychelles lagu soo celiyay Magaalada Muqdisho kuwaas oo mid ka mid ah oo dhameystay mudadii xarigiisa la soo daayay halka kuwa kale loo gudbiyay Xabsiga dhexe ee xamar.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay ugu guuleysatay in ay Maxaabiis Soomaaliyeed ka soo deyso waddanka Ethiopia iyadoona dadaal ugu jirta in Maxaabiis kale ay ka soo deyso dalka India.