Xukuumada Somalia Oo fariin U Dirtay Marekanka Ka Dib Hakin Uu Ku Sameeyey Dhaqaalihii Uu Siin Jiray Ciidanka Xooga

0

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Maxamed Ali Xagaa ayaa ka dalbaday Mareykanka in la kordhiyo taageerada uu u fidiyo Soomaaliya iyo weerarada xagga cirka ee looga horjeedo kooxda Al-shabaab.

Wasiiru dowlaha oo wareysi siiyay The Wall Street Journal ayaa tilmaamay in taageerada Mareykanka ay qeyb libaax  leh ka qaadan karto dadaalka lagu burburinayo kooxda  Al-shabaab ,isla markaana howlgalada dhinaca cirka ah ee diyaaradaha Dronska ay yihiin kuwo muhiim u ah  habka wax ku oolka ah ee taageerada asi.

Hadalada Wasiiru dowlaha ayaa imaanaya xilli dowladda Mareykanka ay sheegeen in ay hakiyeen taageerada dhinaca raashinka,shidaalka iyo lacagihii gunada ee ay bixin jireen sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan waaxda Arimaha Dibadda ee Mareykanka oo la hadlay wakaaladda wararka ee Routers.