DHAGEYSO:-Shaqada Dekeda Magaalada Boosaaso Oo Dib U Bilaabatay.

0

Wararka naga Soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee gobalka Barri ayaa sheegaya in dib ay usoo laabtay Shaqada Dekedda Magaalada Boosaaso ee Xaruunta  Gobolka Bari ahna Xaruunta Ganacsi ee Maamulka Puntland ka dib markii maalmihii ugu dambeeyay  ay hakad ku jirtay shaqada ay Dekeddu u haysay Bulshada Soomaaliyeed.

Shaqada Dekedda Boosaaso ayaa waxaa saameeyay Khilaaf soo kala dhex galay Ganacsatada wax kala soo dega Dekedda iyo Shirkad lagu wareejiyay Maamulka Dekedda taasoo sababtay in ay Ganacsatadu joojiyaan Shaqadii Ganacsi.

Wararka waxaa ay intaasi ku dareen dib usoo laabashada  Shaqadii Dekedda Magaalada Boosaaso ay sabab u tahay kadib markii dadaalo  dheer ah ay ku bixiyeen Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Magaaladaasi.