TOP NEWS:- Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay Amiirka Qadar.

0

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Farmajo iyo Amiirka dalka Qadar Emir Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ,ayaa kulan gaar ah oo looga hadlay qodobbo dhowr ah ku yeeshay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Kulankaasi oo dhinac socday shirka dalalka Islaamka ee ka dhacay dalka Turiga,waxaa labada dhinac ay ka wadahadleen arimo badan oo dan u ah dalalka Soomaaliya iyo Qadar,gaar ahaan xoojinta xiriirka labada dal iyo hurumarinta barnaamijyada wax ku oolka ah ee xagga horumarka.

Madaxweyne Farmaajo,waxa uu kulankaasi uu la qaatay Amiirka dalka Qadar,uga mahad celiyay taageerada ay u fidiyaan dowladda Soomaaliya iyo dadaalka ay ugu jito in la gaaro wax qabad ku saleysan dal nabad ah oo ka shaqeeya horumarkiisa.

Kulankaasi waxaa kaloo ka qeybgalay qaar ka mid ah madax ka socotay dalka Qadar iyo Wasiirro kale oo wehelinayey Mudane Farmaajo.