TOP NEWS DHAGEYSO:-Dawlada Somalia Oo Ku Guuleysatay In Ey Sii Deyso Wariye Boqorka Bartamaha

0

Wariye Maxamed aweeys muudey oo ku magacdheeraa boqorka bartamaha wuxuu kamid yahay suxufiyiinka ugu magacdheer Soomaaliya, xili uu gaaray dalka itoobiya ayaa la sheegay kiisas danbiyadeed oo lagu soo oogay aawgeed in maxkamada ku taala itoobiya ee ku xukuntay xabsi gaaraya 27-sano,

wixii waqtigaas ka danbeeyay waxaa jiray da’daalo ay sameeyeen ururrada u’dooda saxafada, kuwa xuquuqul aadanaha iyo dowladihii dalka soomaray laakiin majirin mid ku guuleesatay ama kamiro dhalisay da’daadlkii ay sameeyeen.

Dowladan uu hogaamiyo madaxweyne maxamed c/laahi farmaajo oo wado da’daalo badan ee xuriyadooda dib ugu soocelineyso soomaalida ku dayacan xabsiyada aduunka kuna guuleesatay qaar badan in ay ka soo deeso xabsiyo dhoor ah ayaa haatan noqotay midi ugu horeesay ee ku guuleesata siideenta Wariye Maxamed aweeys muudey eena dad’badan rumeesnaayeen marka loo eego xunkunka lagu riday, wadanka uu ku xirnaa iyo awooda dhaq-dhaqaaq ee san laheen dowladaha dalka ka’ariminayay inee aheed mid lagu guuleesan karay siideentiisa.

Wariye Maxamed aweeys muudey ayaa hada ah suxufi xor ah waxaana lafilayaa dhawaan inuu soo gaaro magalada muqdisho ee caasimada soomaaliya.

Wuxuun wariyha kamid noqonayaa muwadiniin soomaaliyeed oo ku dhibanaa xabsiyada qaar oo haatan dowlada fadaraalka ay ku geeleesatay in ay xoriyadooda dib u’siiso kuwaas oo intooda badan lakeenay muqdisho.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso Codka