Madaxweyne farmaajo Oo Dib Ugu Soo Laabtay Dalka

0

Waxaa goor dhow Dalka dib ugu soo laabtay Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wafdi uu hor kacayo, markii ay kasoo qayb galeen Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka ee lagu qabtay Dalka Turkiga.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka kala socotay golayaasha Dowladda federaalka Soomaaliya, wuxuuna shegay inuu safarkiisu kusoo dhammaaday guul.

Madaxweynaha Dalka ayaa intii uu ku sugnaa Magaalada Istanbuul ee Dalka Turkiga waxa uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah madaxdii shirkaasi ka qayb gashay, iyadoo ay hoggaamiye walba ka wada hadlayeen xoojinta xiriirka waddamadooda.

Madaxweynaha ayaa Turkiga kaga soo qeyb-galay shir deg-deg ah oo ay isugu imanayeen Madaxda Dalalka ku bahoobay Ururka Iskaashiga Islaamka( OIC ),markii uu madaxweynaha dalka Maraykanku ku dhawaaqay magaalada Qudus in ay leedahay Maamulka Israa’iil