Hay’dda CPJ oo cambaareysay Xukunka Wariye Maxamed

0

Hay’adda u ololeysa Xuquuqda Suxufiyiinta ee CPJ ayaa si kulul u cambeereyaay xukunka Wariye Maxamed Aadan Dirir.

Hay’adda CPJ ayaa shaaciyay in xukun 18 billood ah lagu riday Wariye Maxamed oo ka mid ah Suxufiyiinta ka howlgalla Degaanada Maamulka Somaliland.

Waxaa ay tilmaamtay in Maamulka Somaliland ay ku eedeeyeen Wariyaha in uu warar been abuur ah ku faafiyay barahiisa Bulshada.

CPJ ayaa ku baaqday in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu soo daayo wariye Maxamed iyadoo aan wax sharuud ah lagu xirin.

Sikastaba, Hay’adda CPJ ayaa ugu dambeyn shaacisay in xukunka wariyaha uu yahay cadaallad darro, ayna tahay mid loogu xadgubay sharuucda Saxaafada Caalamka.