Dhaq Dhaqaaqa Al Shabaab Oo Weerar Xoogan Ku Qaaday Ciidamada Putland

0

Wararka ka imaanaya Buuraha Goolis ee gobalka Barri ayaa sheegaya in Xalay Dagaalamayaasha Al-Shabaab ay Weerar ku qaadeen Farsiisin ay Ciidamada Amaanka Puntland ku leeyihiin Buurahaasi.

Weerarka ay soo qaadeen al Shabaab ayaa kadib Waxaa ku Xiga Dagaal toos ah oo Dhex Maray Al-Shabaab iyo Ciidamada Puntland.Iyadoona Lagu Soo Waramayo Khasaaro isgu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay Dagaalkaasi.

Dagaalka ayaa waxaa uu soconayay Mudo Saacado ah,iyadoona Hubka la isku adeegsanayay laga maqlay Tuuloyinka ka agdhow buuraha goolis.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay in Al-Shabaab iyo ciidamada Puntland ay ku dagaalameen buuraha goolis..

Maalmihii ugu dambeeyay ayay aheyd kadib markii dagaalamayaal badan oo ka tirsan Al-Shabaab ay soo buux dhaafiyeen degaanadaasi,islamarkaana halkaasi ay weeraro ka fuliyaan,inkastoo ciidamada Amaanka puntland ay iska caabiyaan Dagaalka ay soo qaadaan Dagaalamayaasha ka tirsan Al-Shabaab.