DHAGEYSO: Wasiirul dowlaha Xafiiska Ra’isal Wasaaraha oo faah faahin ka bixiyay halka ay marayso la wareegida dawladda ee Internenta iyo furaha 252.

0

Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’isal Wasaaraha Cabdulaahi Xaamud ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay in meel wanaagsan uu marayo qorshihii Dawladda Soomaaliya ay kula soo wareegi lahayd furaha 252 iyo internet-ka.

Cabdulaahi Xaamud ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay wado qorshe lagu hormarinayo isgaarsiinta Soomaaliya iyo in dadka soomaaliya ay helaan adeega hufan.

Wasiirka Wasaarada Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Xukuumada Soomaaliya Eng Cabdi Canshuur ayaa xubnaha Golaha Wasiirada u sheegay in Wasaaradiisa ay dadaal wadaan.

Waxa uu sidoo kale kulanka Golaha Wasiirada ka hor sheegay in heshiisyo hormarineed ay la soo galeen Hay’addo caalami ah.

Isku soo wada duuboo Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’isal Wasaaraha Cabdulaahi Xaamud ayaa sidoo kale warbaahinta u sheegay in Soomaaliya ay gaari doonto xilli ay maamusho adeega internet-ka iyo furaha 252.

HOOS KA DHAGEYSO