Dhageyso:-Turkiga Oo Sheegay In Dowladda Somaliya Ay Gacan Ku Siinayso La Dagaalanka Al Shabaab.

0

Dowladda turkiga ayaa si weyn u cambaareysay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay lagu weeraray dugsiga tababarka Booliiska ee iskool buluusiya halkaasoo ay ku dhinteen askar ka tirsan ciidamada booliska.

Sarkaal ka tirsan wasaarada arimaha dibadda ee dalka turkiga ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado qaraxa lala beegsaday askar ka tirsanaa ciidamada booliska oo xilligaasi ku jiray gaado ka cayaar.

“waxaan si xoogan u cambaareynayaa weerarka fool xumada ah ee lagu qaaday dugsiga tababarka booliiska ee magaalada Muqdisho,halkaasoo ay naftooda ku waayeen 17 askari oo ka tirsanaa booliska somaliya”sidaasi waxaa yiri afhayeen u hadlay wasaarada arimaha dibadda ee dalka turkiga.

Waxaana sidoo kale uu tacsi u diray ehelada iyo dowladda somaliyada askartii ku geeriyootay qaraxii ismiidaamintaa ah ee ka dhacay muqdisho.

Turkiga ayaa sheegay inuu garab taagnaan doono dowladda federaalka ah ee somaliya isla markaana uu ka taageeri doono dagaalka xoogan ee ay kula jirta xarakada alshabaab.

Turkiga ayaa somaliya ka fuliyey mashaariic kala duwan,iyadoo bishii September ee sanadkan uu turkiga saldhig malateri oo lagu tababaro ciidamada somaliya ka furay deegaanka Jasiira ee duleedka magaalada Muqdisho

Halkaan Hoose Ka Dhageyso Codka