DHAGEYSO:- Taliyaha CXDS Gen. Gorod “Dhinacna ciidmadaa ka dhisayaa, dhinaca kalena nabadaan ka qayb qaadanayaa gobolka Mudug”.

0

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdiwali Jaamac Xuseen Gorod ayaa shalay gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Ujeedka uu Taliyaha uu u gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay sidii uu ugu kuur geli lahaa xaalada ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga dalka ee halkaasi ku sugan iyo waliba sahminta suurta galnimada qorshaha isku dhafka loogu sameynayo Ciidamada Xoogga dalka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Cabdiwali Jaamac Xuseen Gorod in ay ka go’an tahay sidii uu uga qeyb qaadan lahaa nabadeynta Gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.

HOOS KA DHAGEYSO