DHAGEYSO: Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan oo magacaabay Wasiiro.

0

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wasiiru Dowlaha Maaliyadda Dowlad Goboleedkaasi.

Shirkii Golaha Wasiirada ee Maamulka Koonfur Galbeed oo shalay oo Khamiis aheyd ay ku yeesheen magaalada Baydhabo ayaa looga dhawaaqay magacaabistan.

Maxamed Nuur Madoobe Nuunow ayaa waxaa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed, kadib markii Madoobe Nuunow Wasiirkii hore lagu dilay Weerarkii Hotel Naasab-hablood ee Muqdisho ay ku soo qaadeen Shabaab 28-kii bishii October ee sanadkan, kaasi oo Madaxtooyada Soomaaliya u jira wax ka yar Hal meyl.

Dhanka kale waxaa Wasiiru Dowlaha Maaliyadda Koonfur Galbeed Soomaaliya loo magacaabay Maxamed Cumar Zeytuun.

HOOS KA DHAGEYSO