Askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda oo lagu dilay weerar ka dhacay Degmada Mahadaay

0

Dagaalayahanno ka tirsan Al Shabaab ayaa weerar gaadma ah ku qaaday Askar ka tirsan Ciidamada Maamulka Mahadaay oo ku sugnaa Suuq Xoolaha lagu Iibiyo ku yaalla Degmadaasi.

Waxaana weerarkaasi Al Shabaab ay ku dileen Askari oku sugnaa Suuqa Xoolaha Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Guddoomiyaha Degmadaasi C/laahi Maxamed Xuseen “Geeldoox” oo la halday warbaahinta ayaa sheegay in uu jiro dilka Askarigaasi.

Balse waxaa uu tilmaamay in ay ku raad joogaan Raggi ka dambeeyay weerarkaasi.

Al Shabaab oo ka hadlay weerarkan ayaa sheegay in ay ku dileen 1 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda, kana qaateen Qorigii uu watay, sida ay hadalka u dhigeen.

Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa ku sugan Deegaano ku dhow Degmada Mahadaay, kuwaas oo had iyo jeer weeraro ku qaada Fasriisimaha Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Gobolka Shabeelaha Dhexe.