Al Shabaab iyo Ciidamada Puntland oo ku dagaalamay G/Bari

0

Dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab iyo Ciidamada Puntland ayaa Saacadihii la soo dhaafay ku dagaalamay Buuraleyda Gobolka Bari ee Puntland.

Dagaalkan ayaa yimid, ka gadaal markii Xarakada Al Shabaab ay weerar madaafic ah ku qaadeen Saldhig Ciidamada Puntland ku leeyihiin Buuraleyda Gobolka Bari

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu jiro, balse aan la xaqiijin karin inta uu la egyahay.

Al Shabaab ayaa sheegay in muddo Saacado ah ay la wareegeen Xeradaasi Ciidan, kadib war qoraal ah oo ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka.

Illaa iyo hadda ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Puntland oo ku aadan weerarkaasi.