Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka oo ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay Qaraxii ka dhacay Muqdisho

0

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Cabdiwali Jaamac Warsame Gorod ayaa ka tacsiyadeeyay Askartii ku dhimatay Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee saakay ka dhacay barxada hore Dugsiga tababarka ee Genraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Sareeye Gaas C/wali Jaamac Warsame Gorod,ayaa Ehalada iyo asxaabta iyo guud ahaan Umadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay Askartii ku dhimatay Qarax Qof naftii halige ah oo saakay ka fuliyay barxada Dugisga tababarka Generaal Kaahiye,isagoo sidoo kale dadkii ku dhawaacmay Eebe uga baryay inuu si dhibyar ugu boogo dhayo.

Wuxuuna Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed aad ugu amaanay Ciidamada Xoogga dalka sida mar waliba uga feejigan yihiin weerarada bahalnimada ah ay geysanayaan Kooxaha Nabadiidka ah.

Qof naftii halige ah oo xirnaa jaakad ay ku xiran yihiin walxaha Qarxa ayaa saakay isku qarxiyay barxada hore ee Dugsiga tababarka ee Generaal Kaahiye xilli ay ciidamada isku diyaarinayeen howlmaalmeedkooda caadiga ah.