SAWIR:- Axmed Madoobe iyo Mukhtaar Roobow Abu Mansuur oo kulan ku yeeshay magaalada Kismaayo.

0

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo shalay galab gaaray magaalada Kismaayo

Kulankan ayaa ka dhacay Madaxtooyada Kismaayo, halkaasoo uu Axmed Madoobe ku soo dhoweeyay saaxibkiis hore Mukhtaar Roobow.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka looga hadlay arrimo kala duwan, sida dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo Maamulka Jubbaland uu qorsheynayo inuu duulaan ku qaado deegaanada Shabaabka maamulaan.

Mukhtar Roobow ayaa u bandhigay Axmed Madoobe qorshayaal ku saabsan qaabka loo wajihi karo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sida xilligan looga faa’ideysan karo fursadaha la heysto.

Waxaa lagu wadaa in maanta uu kormeero ku tago meelo ka mid ah magaalada Kismaayo, gaar ahaan xeryaha ciidamada, waxaana lagu wadaa inuu dib ugu laabto magaalada Muqdisho.

Mukhtaar Roobow ayaa dhowaan ka dalbaday wariyeyaasha in aanay ugu yeerin inuu isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya, balse uu wada hadal kula jiro.