Qaramada Midoobay Oo Sheegtay In Mashaariic Ay U Abuurtay Qaxootiga Somali Ah Dib Ugu Soo Laabanaya Dalkooda

0

Laanta qaxootiga qaramada midoobay ee UNHCR ayaa sheegtay in ay barnaamijyo kala duwan u abuurtay qaar ka mid ah dadka qaxootiga ah ee dib ugu soo laabtay somaliya.

Sarkaal ka tirsan UNHCR ayaa xusay in ay tahay fursad wanaagsan qaxooti gaaraya 75,000 ruux oo ka mid yimid xeryaha dhadhaab iyo Kakuma ay dalkooda ku soo noqdaan.

UNHCR ayaa sheegtay in lacag kaash ay siiso dadka ka soo noqday dalalka kenya iyo yemen ee ku sugan somaliya gaar ahaan dadka qaxootiga ah,iyadoo sidoo kale hay,ada sheegtay in dadka qaarkood ay furtay ganacsiyo yar yar.

Ergayga UNHCR ee somaliya Maxamed Cabdi Afey ayaa dalalka beesha caalamka ugu baaqay in ay xoojiyaan taageerada ay siiyaan qaxootiga somalida ah ee dalkooda ku soo laabanaya.

UNHCR ayaa hore dalalka deeqaha bixiya ugu baaqday in qaxootiga soo noqonaya ee somalida loo sameeyo mashaariic lagu horumariyo oo ay ka mid yihiin dhinacyada caafimada iyo waxbarashada