DHAGEYSO:- Mareykanka oo musus maasuq ku eedeeyay qaar ka mid ah saraakiisha Militariga Soomaaliya

0

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in uu taageerida cunnada iyo shidaalka ka joojinayo Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya.

Go’aanka Mareykanka oo dhabaaxo weyn ku ah Taliska Militariga Somalia ayaa timid kadib markii ay soo baxeen musuq maasuq ka dhan ah Ciidamada Xooga Dalka.

Militariga Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay ku fashilmeen maamulida cunnada iyo shidaalka ka yimaada Mareykanka.

Sarkaal ka tirsan Waaxda Arimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegay in ay waraaqo ay ku xusan yihiin arimahan ay is dhaafsadeen Mareykanka iyo Soomaaliya.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Xukuumadda Washington ay sii wadeyso taageerida Soomaaliya iyadoo hoos loo dhigayo taageerida militariga Soomaaliya.

Wakaalada Wararka ee Reuters ayaa shaaciyay in diblumaasiyiin ay ka walaacsan yihiin in Xarakada Al Shabaab ay dib u soo xoogeystaan.

Waxaana soo xoogeysashada Al Shabaab ay ku macneeyeen mid sabab u ah bixitaanka Ciidamada AMISOM.

Dhiniciisa, Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Maxamed Mursal ayaa qiray in ay jiraan walaaca ay muujinayaan Mareykanka.

Wasiir Mursal ayaa waxuu u sheegay Wakaalada Reuters in dowladda Soomaaliya ay wado dadaallo wax looga qabanayo dhibaatooyinka haatan jira.

Sikastaba, Hadalkan ku aadan musaqa ee ka soo baxay Mareykanka ayaa dharbaaxo weyn waxey ku tahay hogaanka Militariga Soomaaliya.