TOP NEWS:-Golaha Wasiirada oo Baajiyay Ciyaartii galabta ka dhici lahayd Stadio Koonis

2

War hadda ina soo gaaray ayaa sheegaya in la baajiyay ciyaartii galabta dhex mari laheyd xulka kubadda cagta ee Maamullada Jubbaland iyo Galmudug.

Waxaana arrintaasi lagu go’aamiyay Kulanka Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya oo goor dhaweyd  ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Magaaalda Muqdisho, sababo amni darteed.

Baaqashada ciyaartan ayaa ku soo aadeysa, xilli saakay Magaalada Muqdisho uu ka dhacay qarax Ismiidaamin ahaa oo ay masuuliyaddiisa sheegteen  Xarakada Al Shabaab

Waxaana Kooxaha Ciyaartoyda ee Jubbaland iyo Galmudug lagu wargeliyay in ay baaqatay ciyaartii galabta, oo aheyd  tii u dambeysay ee Group A, Tartanka Ciyaaraha ee Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Comments are closed.