FAAH FAAHIN: Weerar ismiidaamin ahaa oo ka dhacay Xarunta Booliska ee Muqdisho

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ismiidaamin ahaa ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo uu fuliyay nin isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa isku miidaamiyay tobanaan ka mid ah Booliska Soomaaliyeed.

Wakaalada Wararka ee Reuters ayaa shaacisay ugu yaraan 3 Ruux in ay ku dhinteen Weerarkaasi ismiidaaminta ahaa.

Weli lama oga khasaaraha dhabta ee ka dhashay weerarkaasi.

Ilaa iyi hada majiro cid sheegatay mas’uuliyada weerarkan ka dhacay Caasimada Soomaaliya.