DHAGEYSO: TIRADA askarta militariga oo la soo bandhigayo

0

Wasiiru dowlaha Wasaarada Gaashaandhiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cali Xagaa ayaa waxuu shaaca ka qaaday in dhawaan la soo bandhigi doono tirada askarta saxda ah ee ku jira Ciidamada Xooga Soomaaliyeed.

Wasiir Xagaa ayaa xusay in wasaarada Gaashaandhiga Soomaliya ay qaadi doonto talaabadaasi.

dhinaca kale, Waxaa uu tilmaamay in ay wax ka qaban doonaan Askarta qaba baahiyaha gaarka ah.

Ugu dambeyn, wasiiru Dowlaha ayaa ka dalbaday in Xildhibaanada Baarlamaanku ansixiyaan sharciga xaqsiinta Ciidanka Xooga Soomaaliyeed.