Dhageyso:-Qaramada Midoowe Oo Ka Tacsiyeesay Qaraxii Maanta Ka Dhacay Muqdisho

0

Warbixin kaso baxday Xaafiiska qaramada Midoobay u qaabilsan soomaliya Unsom ayaa Si kulul loogu Cambaareeyay Weerarkii ismiidaaminta ahaaa ee Saakay ka dhacay Dugsiga Tababarka Ciidamada Pooliska ee Janaraal Kaahiye,

Sidokale Xaafiiska ayaa Tacsi U direy Eeladdi iyo Qoysaskii ay kabaxeen dadkii kudhintay Weerarkaasi, Islamarkaana waxay sheegeen in ay ka xunyihiin dhacdadasi,

Weerarkani ayaa waxaa kudhinteen 18 Askari oo kamidda Ciidamada Pooliska Soomaliyed halka 15 kala ay kudhaawacmeen,

Dhanka kale Xarakadda Al shabab ayaa sheegatay in ay kadambaysay Masuuliyada  weerarkasi Islamarkaana ay kudileen 27 Iskugu jira Askar iyo Saaraakiil katirsan Ciidamada  Pooliska Soomaliaya

Halkaan Hoose Ka Dhageyso Codka