Dhageyso:-Agaasimaha Isbital Madiina Oo Ka War Bixiyey Dhaawacyadii Lageeyey Isbitaalka Madiina

0

Agaasimaha Isbitaalka Madiina Dr Maxamed Yuusuf iyo Guddoomiyaha maamulka Gobalka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed oo goor-dhaw Shir jaraa’id ku qabtay Isbitaalka ayaa faah faahin ka bixiyay dhaawacyada Isbitaalka la keenay iyo sida laga yeelayo kuwa ay xaaladooda aad u liidato.

Agaasimaha Isbitaalka madiina ayaa sheegay in saakay la soo gaarsiiyay dhaawacyo gaarayo dhowr iyo toban qof oo ah Ciidan ka tirsan Booliska Soomaaliya oo maanta lagu qarxiyay afafka hore ee Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska ee Gen. Kaahiye.

Dr Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in ay ku jiraan dhaawacyo aad u liito kuwaas oo u baahan in dibadda loo qaado sida ugu dhaqsiyaha badan,Gudoomiyaha

gudoomiyaha gobolka banaadir Taabid ayaa canbaareeyay qaraxa waxa uuna sheegay in Ciidamada amaanka ay hayaan xog dheeraad ah oo ku saabsan qofkii ka dambeeyay weerarkaan iyo halka

laga soo abaabulay.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso Codka