Britain oo malaayiin doolar u balan qaaday Somaliland

0

Dowladda Britain ayaa balan qaad lacag oo malaayiim doolar ah u sameysay Madaxweynaha cusub ee Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Danjiraha Britain ee Somalia, David Concar oo khubad ka jeediyay munaasabadda caleemo saarka Madaxweyne Biixi ayaa waxuu sheegay in ay siin doonaan $25 milyan oo doolar.

Waxaa uu tilmaamay in dhaqaalahaasi lagu bixin doono mashaariic kala duwan iyo koncinta horumarka Somaliland.

Balan qaadka Britain ayaa qeyb ka ballamo sidan oo kale oo madasha ay kaga dhawaaween Safiiro dhowr ah oo ka qeyb galay caleemo saarka madaxweynaha Somaliland.