WAR DEG DEG AH:- Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ansixiyay Miisaaniyadda sanadka 2018.

0

Wararka iminka naga soo gaaraya xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ay goor dhow ansixiyeen Miisaaniyadda sanadka 2018, kaddib markii dood adag ay ka yeesheen Miisaaniyadda oo ay horay u soo ansixiyeen Golaha Wasiirada.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa Kulanka Xildhibaanada oo maanta uu shir guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka 1aad C/wali Ibraahim Muudey ayaa waxaa soo xaadirtay 164 Xildhibaan.

Dood Xildhibaanada ka yeesheen Miisaaniyaddan oo dhowaan Guddiga Maaliyadda warbixin ka soo diyaariyay ayaa ugu dambeyn cod gacan taag loo qaaday.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka C/wali Ibraahim Muudey ayaa ku dhawaaqay natiijada codka, waxaana uu xusay in 162 Mudane ay ogolaatay, waxaa ka aamusay hal Xildhibaan, halka hal Xildhibaan uu diiday.

Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle oo markii la ansixiyay ka hadlay ayaa soo dhoweeyay ansixinta Miisaaniyadda, isagoo ku tilmaamay tallaabo wanaagsan.

Dhinaca kale Miisaaniyadda 2018 ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaareysa lacag dhan $274,640,191 (labo boqol iyo toddobaadan iyo afar Milyan, lix boqol iyo afartan kun, boqol iyo sagaashan kow dollar).

Isku soo wada duuboo Miisaaniyaddii hore ayaa ahayd 260 milyan, Farqiga u dhaxeeya labada miisaaniyadood ee 2017 iyo tan cusub ee 2018 ayaa ah 14 milyan oo micnaheedu yahay 5.63% ayaa ku korortay Miisaaniyada cusub ee 2018.