TOOS U DAAWO:-Madaxweynaha cusub ee maamulka Somaliland Muuse Biixi oo maanta la caleema saarayo.

0

Madaxweynaha la doortay ee maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa iminka munaasabada lagu dhaarinayo, laguna caleema saarayo, waxa ay ka socotaa magaalada Hargeysa.

Xafladda Caleema saarka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Marti sharaf kala duwan oo lagu casuumay, waxaana ka mid ah Safiiro, Diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha xilka degaya Axmed Siilaanyo ayaa xilka ku wareejinaya Madaxweynaha cusub Muuse Biixi Cabdi

Sidoo kale Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin

Dhinaca kale Muuse Biixi Cabdi ayaa noqonaya Madaxweynihii 5aad ee ay Somaliland yeelato, waxaa 13-kii bishii hore ee November loo doortay xilka, kaddib doorasho adag oo ka dhacday deegaanada Somaliland.

Isku soo wada duuboo Maamulka Somaliland ayaa sanadkii 1991-dii ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, hase ahaatee wali ma aysan helin wax aqoonsi ah, balse waxaa lagu ammaanay in nabad, xasilooni siyaasadeed iyo dimoqraadiyad inay ka jirto deegaanada ay ka arrimiso.

HOOS KA DAAWO