DEG DEG: Al Shabaab oo xukun gacan goyn ah ku fuliyay Wiil dhalinyaro ah

0

Xarakada Al Shabaab ayaa xukun gacan goyn ah goordhow ku fuliyay wiil dhalinyaro ah.

Maxkmada Al Shabaab ee Degmada Kuunyabaroow ayaa xukun ku fulisay wiilkan oo lagu eedeeyay in fal xatooyo ah geystay.

Waxaa lagu eedeeyay in uu xaday lacag shan kun oo doolar, waxaan xukunka uu dhacay kadib markii lagu armay in uu lacagta soo celiyo, uuna awoodi waayay.

Sikastaba, Xarakada Al Shabaab ayaa xukuno isugu jira dil iyo gacan gooyn ku xukuma kuwa lagu eeseeyo falalka xatooyada iyo jawaasiisnimada.