Home Dhacdooyinka Todobaadka DHAGEYSO:-Al Shabaab oo laga saaray Degaano hoostaga BUURHAKABA

DHAGEYSO:-Al Shabaab oo laga saaray Degaano hoostaga BUURHAKABA

0

Waxaa warar dheeraad ah laga helayaa dagaal culus oo u dhaxeeyay Xarakada Al Shabaab iyo Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa waxa ay sheegeen in ay la wareegeen deegaano hoostaga degmada Buurhakaba.

Gudoomiyaha degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay Maxamed Ibraahim Nuur ayaa sheegay in Ciidamada huwanta ah y ku soo guuleysteen Dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Deeganadii ay ku dagaalameen ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed, ayaa saaka waxaa hawlgalo ka sameeyay ciidamada Koonfur Galbeed.

Ciidamada Koonfur Galbeed ayaa muddooyinkii dambe waxa ay wadeen dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah Ururka Al Shabaab.