DHAGEYSO+SAWIRRO:- Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ka hadlay Qadiyadda Qudus

0

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta si kulul uga hadlay Qadiyadda taagan ee Qudus oo uu dhawaan Mareykanka u Aqoonsaday in ay tahay Caasimadda Israel.

Ugu horreyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay tallabada uu qaaday Madaxweynaha Dalka Mareykanka .

Waxaana uu ugu baaqay Madaxweyne Trump in uu ka laabto Go’aankaasi, oo ay Cambaareeyeen Dowlado dhowr ah.

Sidoo kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta dhageystay Warbixinta Guddiga Maaliyadda ee Akhrinta 2 aad Miisaaniyadda 2018.

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Maaliyadda Xildhibaan Maxamed Aadan ayaa Mudanayaasha Baarlamaanka u sharaxay waxyaabaha ay ka badaleen Miisaaniyadda 2018 ee Dowladda.

Waxaana uu xusay in ay wax ka badal ku sameeyeen Miisaaniyadda, sida xeerka Qoondada iyo kuw kale.

Gabagabada kulanka Guddoonka Baarlamaanka ayaa sheegay in ay sii socon doonto ka Doodista Miisaaniyadaasi oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.