WAR CUSUB: Itoobiya oo cadeysay mowqifkeeda ku aadan saldhiga safaaradeeda inuu yahay Tel Aviv.

0

Dowlada Itoobiya ayaa daboolka ka qaaday inaysan adeeci doonin go’aanka uu Madxaweynaha Mareykanka Donald Trump magaalada Qudus ugu hibeeyay Israel.

Itoobiya waxa ay sheegtay in howlaha Safaaradooda ay kasii socon doonto caasimada Israel ee Tel Aviv, isla markaana ay ka fiirsan doonaan Go’aanka Trump.

Itoobiya waxa ay sheegtay in Safaaradeeda Tel Aviv aysan u rari doonin magaalada Qudus inta ay meel uga dhaceyso xiisada ka taagan arrinta Qudus oo meel xun gaarsiisan.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Itoobiya Meles Alem ayaa hadalkan ka sheegay Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Meles Alem, waxa uu cod dheer ku sheegay in Go’aanka Donald Trump uu yahay keliya mid ku kooban dowlada Mareykanka oo u muuqaneysa inay xiisad ka dhex dhalineyso dowladaha Islaamka iyo kuwa rumeysan diimaha kale.

Meles Alem, waxa uu cadeeyay in Mowqifka Itoobiya ee xiisada Qudus ay tahay mid lamid ah Mowqifka Midowga Afrika ee dhex dhexaadka ah.

Dhinaca kale Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Go’aanka Qudus looga dhigaayo caasimada Israel qaatay arbacadii hore oo ku asteysaneyd December 6, 2017.

Isku soo wada duuboo Hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa tan iyo markaasi dhaleeceeyeen tallaabada Trump oo ay ugu yeeren dib u dhac ku yimid dadaalka nabadda ee u dhexeeya Israel iyo Falastiin iyo halis ammaan oo ku aaddan gobolka Bariga Dhexe.