FAALLO:-Ururka Jamacadda Carabtu Hadaf la’aantooda iyo Ururka Midowga Yurub Hormarkooda.

0

Ururka Jaamacadda Carabta waxaa la asaasay 1945, bishii Maarso22: Waddanka Masar aya lagu Asaasay ilaa hadana xaruntiisu waa (Caasimadda Masar ee Qaahira) isbahaysiga Jamacadda Carabtu waa mid muddo dheer jiray waana mid aan Dunida waxba kusoo kordhin waana mid kala fogeeya Shacuubta Islaamka waa mid aad u tabar yar waana mid aan lahayn HADAF IYO HAN, waa mid Dalalkoodu cadow isu yihiin hadana bah wadaag ku ah Magaca Ururka Jamacadda Carabta, Akhri Tusaalooyinkan hoos aan ku sharrixi doono.

Waxaa xubno ka ah 22, Dal iyo xubin sharafeed ah oo ah Dalka (Eritrea) Erratariya,
Toddobaatan iyo labo (72) Sanno ayuu dhisan yahay Ururka Jammacada Carabtu.

Malahan Ciidan Mideysan kana hortaga qalalsaha Waddamada Jamacadda Carabta.
Isu socdka shacbiga Jaamacadda Carabtu waa Fiiso, micneheedu haddii aad tahay xubin kamida Ururka Jamacada Carabta laakiin aad doonayso inaad u safarto mid kamida Dalalka Jaamacadda Carabta Xitaa Xajika oo Sucuudiga ku yaal waa inaad Fiiso Qaatato xasusin tiro yar aya balaa fiiso isu ah.

Ururka Jamacadda Carabta waxa ku bahoobay Dalal Muslimiina kuna yaal Qaaradda Afrika iyo Asiya 22kan Dal ee Jaammacada Carabtu intooda badan waa Dalal qaniya ama dhul wanaagsan leh.

Waddamada Ururka Jammacada Carabtu waa Dalal dhammanatood kujira ciriiri siyaasaddeed iyo xukun aan shacabkoodu raali ka ahayn qeybtood hoggaamiyayaashoodu waa iska dhaxlan Kursiga ama xukunka Qeybtood xoog ayey isku xukuman qeybtoodna waxaa ku kala dhex jira Caalamka Soomaaliya ayaa tusaale u ah kuwa lagu kala dhex jiro.

Ururka Midowga Yurub waxaa ku bahoobay 23, Dal oo ku yaal Qaaradda Yurub waxana la asaasay 1992, in kastoo uu horay u jiri jiray Heshiiska Rome (1958) kaasoo la oran jiray Ururka Dhaqaalaha Yurub (EEC).

Midowga Yurub wuxuu yeeshay talo mideysan dhaqaale mideysan iyo siyaasad ballaaran oo ay ku Najaxeen Dalalkoodu iyo Bulshada Qaaradda Yurub wax qabadkooduna wuxuu gaara Qaaraddaha ka baxsan Yurub.

Laakiin taas bedelkeed Ururka Islaamka ee Jammacada Carabtu waxay ku guul daraysteen inay Mideeyan Taladooda, dhaqaalahooda iyo siyaasaddooda, Ceebaha dul saaran Jamacada Carabta waxaa kamida Xaalka Suuriya Yemen, Soomaaliya iyo Liibiya oo dhammanatood xubin ka ah Jamacadda Carabta, Saadam Xusen waa la dilay weliba waa la daldalay, Qadaafi iyo Cali Cabdalle Saalax, Qadiyadda Qudus ama Masjidu AlAQSA oo maanta xalkiisu tagan yahay waxna aysan ka qaban karin, fool xumo weyna. Abwan Soomaaliyeed soo tuu lahaa Noloshu marbay Geerida dhanta.

Ururka Jamacadda Carabtu intooda badan waxaa ka dhexeya muran siyaasadded iyo mid dhuleed Tusaale Waddamada Suudan iyo Masar dhul ayey ku muran san yihiin, Waddamada Muritaaniya Marooko , Aljeeriya iyo Liibiya waxa ka dhexeya muran Dhuleed, Masar iyo Liibiya ayaa Muran Dhuleed ka dhexeya, Sucuudiga iyo Yemen waa lamid Kuwayd iyo Ciraaq waa lamid tani waa Tusaale yar sida xitaa Ururka ay ku mideysan yihiin waa awoodi waayey inuu xaliyo xudduudaha Dalalka ay ka kooban yihiin Ururka Jamacadda Carabta.

Ururka Midowga Yurub wuxuu leeyahay Hal Lacag sidookale waxay ku mideysan yihiin Canshuurta, Midowga Yurub Baasaboorkooda dhexdooda wa bilaa Fiise oo haddii aad Mawaadin Yurubiyana tahay Dalalka Midowga Yurub uma qaadanaysid Fiiso Dal ku gala.

Taas bedelkeed Ururka Jamacadda Carabtu waxaa la isku qaata Fiiso Dal ku gala xitaa Dhalasho kama qaadan kartid mid kamida Ururka ku mideysan Jamacadda Carabta tusaale Adiga oo Soomaaliya kana tirsan Jamacadda Carabta, haddii aad Sucuudiga tagto waa laga masaafurinaya ama Inta aad jogto waxaa laga qaadaya Lacag. Xasuusnow Diin, ayaa innaga dhaxaysa Salaadeennu waa mid Qilbadeennu waa mid Dastuurkeennu waa Mi doo ah Kitaabka Alle.

Waddamada Jaammacada Carabta ku mideebay ma lahan hannan Dimuqraadiyadeed oo xor Ummaddahoodu ay ku doortan madaxdooda.

Waddamada Jammacada Carabta intooda badan waxaa u taliya keligi taliyayaal ilaa la gaaray heer Shacabkoodu xukunka uga riden kadibna si fool xun loo dilo.

Jamacadda Carabtu waa waddamada ugu Khayraadka badan Dunida waxana ku jira Dhulal Barakeysan Rabbina ku sheegay Qur,aankiisa laakiin intooda badan waa faqiir, waxana sas ka dhigay Ex iyo Musuqmasuq iyo caddaalad xumo ka jirta dhexdooda.

Ugu dambeyntiina wax tar xumada iyo ceebta ku gadaaman Ururka Jamacadda Carabta wuxuu keenay in hoggaamiyayaashooda sidii ladoono laga yeelo ilaa la garsiiyey heer Iyagoo arkaaya la Daldalo, iyagoo arkaaya la burburiyo Waddamadooda iyagoo arkaayana maanta laga qato Masaajidka Alqsa Ama Qudus.

Taariikhdu uma dambi dhaafi doonto Dhalinyarada maanta inay Xallada Ummadda Carbeed ku eegtan sida ay tahay. waxaa sidas yiri Aqoonyahan carbeed Axmad Sol.

Xaywaanka ladhaho Bahal Higlo waa tiro badan tahay waana tabar yar tahay waxana lamida Ururka Jamacadda Carabta

Waxa Qoray Cabdinuur Faarax Maxamuud
Falanqeeye arrimaha bulshada.
Abdinuur02@gmail.com.