FAALLO:- DADKAYGII IYO DALKAYGII SOOMAALIYEED OO GARTAY CADAWGOODII XAJISTAYNA DAWLADANIMADOODA IYO MADAX BANAANIDOODA.

2

Dadka Soomaaliyeed waa dad leh dhaqan bani aadmi ku dhaqmo xiliyadii hore ee qolo walbaa halkeeda ku haysatay dhaqankeeda,oo ay yarayd isu socodka iyo ilbaxnimada aadamuhu midka uuga sareeya ee uugu fiican caalamka guud ahaan tiis. Siro badan baa jira oo aana hada sii dhax galayn oo laga dhaxlay soomaalida asal ahaan xiligii ay aduunka ka talin jireen.

Waxan in yar kasoo qaadanayaa qaybo kamid ah dhaqanka soomaaliyeed ee qarniyo soo taxnaa hadana dhalan rogmay ee sii tirmaya hadaan la daba qaban.Waxaa kamid ah kala danbaynta oo waxay lahaayeen Gole iyo Geed,Golaha waxaa fariisan jiray wax garadka bulshada qaybi hiisa kala duwan,oo lasoo xulay oo kala ah odayaal gar cadaaday,garmadoobe da dhexe ah iyo barbaar dhalin yaro ah.golaha ragan ku jiraa waxay ahaayeen rag leh culimo iyo caamo intaba.

Geedka waxaa tagi jiray rag xul ah oo xirfad layaal ah iyo madaxda bulshada hogaamisa,waxaana kamid ahaa nin darajadaa ku helay in uu yahay nin geesi ah oo aan xaqa ka waaban,nin waa abwaan leh xikmad iyo garasho,nin waa caalim diineed,nin waa garyaqaan ku takhasusay xeerka iyo dhaqanka bulshada u yaala gartana goyn yaqaan,nin waa isir iyo abyaqaan naf dhaqaaqda yaqaan abtirkeeda,nin waa deegaan yaqaan ruug cadaa ah oo yaqaan wadiiqa kasta halka gasho iyo seeraha cid walbaa leedahay,daaqsin iyo ceelba.nin waa col u joog nina waa nin nabadeed oo samo katalis ah intaasoo nooc ayaa geedka fadhida.Waxay leeyihiin nin ay iska doorteen oo utaliya waxaana Geedka lagu go aamiyaa,talada guud ee bulshada,waa laysku doortaa,danbiyadaa lagu qaadaa,dagaalada iyo nabadaa lagu go aamiyaa,waa lagu tashadaa.wixii kasoo baxa geedka ayaa golaha lageeyaa.

Qofkastaa markiisuu hadlayaa intaa qofku hadlayo wax dhaqaaqaya iyo wax shanqaryar samaynkaraa majiro xeer baa kayaal,qofkaa hadlaya isagaa oranaya hadalkii intaas ayuu iiga dhan yahay,inta kahoraysa qof ka dhex gali kara iyo qof ka garab hadli karaa majiro waa uun la dhagaysan oo la dhuuxi hadalkiisa ama haku hadlo wax dadka ka caraysiiya ama haku hadlo wax dadka ka farxiya.arinku waa is dhagaysi. nin walbaa oo hadal qaba waa lasiin fursadiisa waana la dhagaysan si dagan.dood dheer kadib hadalka waa lasoo afjarayaa oo lasoo xirayaa waxaana lagu soo koobayaa dhawr qodob oo go aankeeda laysku raacay. wixii la go aan saday wuxuu doono ha ahaado waxaa loo soogudbinayaa golaha goluhuna bulshaduu u gudbinayaa go aan kii GEEDKA. nin wax kudara kara iyo nin wax ka dhimi karaana majiro xeer baa kayaal.

Wixii lagu heshiiyay sideedaa loo dhaqan galinayaa oo ufulyaan.xiliyaadaa fog ayay soomaalidu lahayd dimuqraadiyad ismaqal iyo kaladanbayn iyo go aan fulin.dhanka martida soomaalidu waligood waa ku fiicnaayeen oo waxay haystaan marti u timid kama reeban jirin sifiican bay u sooryeen jireen martida intay iyagu qadaan ayay siin jireen martidooda waxay haystaan.dhanka magan galyada wax lamid ahi majirin soomaalida oo qofka soomaaliga ah ee lasoo magan galaa waxa uu qaadan jiray go aan ah in horta isaga ladilo laakiin isagoo nool ma uusan ogolayn in ladilo magantiisa dhimasho ayuu ka xigay waana xeer iyo dhaqan soomaaliyeed.

Dhanka xuquuqul in saanka soomaalidu ma aqbasho in dad la adoonsado oo sida dhaqamda qaarkood si xoog ah lagu haysto oo beeraha lagu fasho ama la jidh dilo.is adoonsi waa ka mamnuuc dhaqanka soomaaliyeed.Dumarka iyo caruurta ayaa leh xuquuqda u saraysa oo waa lama taabtaan iyagaana loo horaysiiyaa in marka hore ay dhargaan haday dhar tahayna iyaga in lasiiyo koow,colaadaha in aan ladilin ee loo naxariisto.waxaa lama taabtaan ah xiliyada dagaalka oo ay ubixiyeen BIRIMAGAYDO haweenka iyo caruurta odayaasha dada ah ninka culimada ah xididka iyo ninka geesiga ah hadii laqabto iyo maxaabiis oo dhan lama dilo intaas waa BIRIMAGAYDO.dhaqamda kale oo dhan waydilaan intaba haday intii dawladnimada iyo dimuqraadiyada la helay ay sheegaan xuquuqul insaan iyo hala ilaaliyo laakiin waa dhaqan soomaaliyeed.

Deeqsinimada qofka soomaaliyeed wuxuu haysto wax buu kabixinayaa maha bakhayl.dagaalka waa geesiyaal dagaalyahano ah 1800 ayaa in yurubku layaabeen markii ingiriis rag soomaaliyed ciidan ka dhigtay oo uu sheegay in 10 nin oo soomaali ah uu kaga kalsoon yahay 1000 nin oo noocyada kale ah adaamaha.dhanka guurka soomaalidu gabdha boos aad u sareeya ayay gaarsiiyeen,waxaana laga bixin jiray 100 geela fardo iyo qoryo.gabadha waxaa is waydiisan jiray si sharafkeeda cirka loogu taxo laba qabiilo waana lagu xididi jiray oo laysku tix galin jiray arintuna way ka waynayd qoyskeeda sida aabaheed iyo hooyadeed iyo walaaladeed.waxaasina waa qiimaha gabdhaha soomaaliyeed ay leeyihiin.gabdha soomaaliyeed waa kuwa ka duwan aduunyada inteeda kale iyagaana uugu quruxbadan dumarka aduunka waxkalaba haku mashquulin midabka ay leeyihiin cid lihi majirto,madaw waad arki,cadaan waad arki,laakiin maariin casaan galay cidkale oo leh majirto gabdhaheena ayay gaar u tahay ilaahaybaa siiyay.

Dad aan garanay quruxi waxay tahay ayaa uqaatay cadaanku inay qurux leeyihiin mindhaa midabka cad ayay waxay ka dhigayaan qurux hadii qofka cadaanka ah la saaro midab madoow balka warama? hade illaahay naguma keenee waxay ilatahay qof walbaa cagtuu wax ka dayi lahaa!! xaga isku kalsoonaanta qabka iyo hanka soomaaliyeed kasheekaynba malaha,markaan in yar ka tilmaamo waxa ay ahaayeen dad leh isku kalsoonaan buuxda oo ku kalsoon soomaalinimadooda,diintooda,dhaqankooda,afkooda,midabkooda,aamin sana in ay yihiin aadame dhamaantii kuwa u sareeya hadayba jirto cid saraysaa.wataa raganimadii awoowayaasheen soomaaliyeey.soomaalidu dalkooda ayay jeclaayeen,beertooda iyo xoolahooda iyo badooda ayay ku iimaan qabeen,iyagoon hub haysan ayay udiideen awoow yaasheen in shisheeye taako qaato waakan isagoo sidiisii ah ay inooga tageen een dhaxalay iyagaa inoo ilaashay oo difaacay.

Dhaqankii soomaaliyeed ama awoow yaasheen waxay iskala waynaayeen inay tagaan dalkale oo shisheeye dalkooda ayay kuli kuwada duugan yihiin oo ku dhinteen oo ku guursadeen oo ku noolaayeen.diinta iyo dadka iyo dalkaba waa difaaceen oo jeclaayeen.in ay tuugsadaan oo cidkale wax waydiistaan dhimashay ka xigeen waligoodna ma cunin dhuuni shisheeye.dharka ay xiranayaan waxay cunayaan iyo weelka iyo guryahaba gacantooday ku samaysan jireen dibada kama iman jirin qarniyaalo.Diinta soomaalidu sucuudiga oo aan wali qaarkood diintu gaarin oo aan islaamin ayay islaameen oo magaalada afraad ee diintu waa HARAR oo soomaali baa katalinaysay diintana keentay.boqolkiiba boqol muslim ayaynu nahay diintana xoog kuma aynaan qaadan sida carabta iyo umada kale ee sida reer madiina ayaan soo dhawaynay.soomaalidu waa gob nasab ah oo diin leh iyo karti dhul fiicana illaahay siiyay.

Waxaa maanta farxad ah in dadkeenii soomaaliyeed ee cadawgu u tashaday ee laga faa iidaystay MAQNAANSHIHII DAWLONIMO baraarugeen.waxay garteen in lasoo dhexgalay oo laga dhex hadlayo soomaalidii,oo gumaysigu samaystay dad midabkeenii leh afkeenii ku hadlaya aan garanayno in uu yahay ina hebal oo dadkeenii ahi iibinayo dadkii iyo dalkii soomaaliyeed,in uu ina baabi inayo in uu inasiisanayo shilimaan yar.waxa ina dilayaa waa dad soomaaliyeed oo shisheeye soo carbistay oo maskax kale lagaliyay.kuwan waa in aan tirtiraa oo aynaan hal ka reebin waa cadawga guntiisii waa in aan jaraa.markaa cadawgu meel uu kuusoo maro majirto hasoo bareero markaa.

waxaa jira dadkeenii oo cadaw ku ah in aan soomaali yeelan dawlad,ragbaana heerkaa gaarsiiyay oo ka shaqaystay intaynu isku jeednay dhexdeena.hada waa fahanay shacab iyo dawladna waa isku duubanahay dalkeena waa dhisanaynaa oo difaacaynaa dalkana malaha farmaajo iyo kahayre oo kaliya iyagu waa madax maanta bari cidkalaa imanaysa way tagayaan laakiin dalka iyo dawlad nimadu ma tagayso inagaa leh.hada majirto dawlad aan mucaaradno oo aan dhahno mooshin iyo waa ridaynaa waayo waxaan rabanaa dawladnimo maxaan haysanaa oo mooshin laga keenaaba? hadaba arinkaa fahma soomaaliyeey dadka waxaa wadaa waa cadawga laynagu dhex samaystay masuuliyiina maha waa in sharciga la mariyaa iyo xeerka ciqaabta. waa adeegayaal dhuuni raaca oo laynagu dhex darsaday.

Dadkii soomaaliyeed waxay ka guulaysteen cadawgii afka duubnaa ee gawracayay har iyo habeen isagoo diin ku gabanaya,waxaana guusha sabab u ah isku duubnida dawlada iyo shacabka soomaaliyeed.waxay hadana ka guulaysteen dawladiidkii daba dhilifka ahaa waxaana guusha keenay shacabka oo gartay in danta soomaaliyeed aheen qabiil iyo reer hebal iyo koox ee ay tahay dawladnimo oo kaliya.guusha shacabkaa leh waxa uuna u sitaagay in ay difaacdaan dawladooda waxa dadka dhan deeqaana waa soomaalinimo oo ah dawladnimo.soomaali waa diiday dawlad la aan waana soo aragnay dhibaatada dawlad la aanta. waxa qabiilka iyo isdilka iyo rafaadka noo keenay ee soomaali is nacsii yay waa dawlad la aanta.dadka soomaaliyeed waa dad fiican waxa xumaynaya waa dawlad la aanta.hada waa fahanay dib danbe ma u dhacayso dawlad rida iyo dawlad la aan.

cidii kahortimaada dawlada waa cadaw soomaaliyeed ee shabaab ehel u ah iyo dawlad diid waana dil maha xabsi.soomaaliya ha guulaysato cadawgeeda ha jabo soomaaliya waa istaagtay waana dad walaalo ah shaydaan wakhtigiis waa dhamaaday mayla aragteen.soomaalidu waxay soo ceshatay sharaftii soomaalinimo iyo haybadii.

W/Q:Yuusuf Omar
mashruuc5@hotmail.com

SHARE

2 COMMENTS

  1. WAAD DADAASHAY LAAKIINSE SOOMAALI CADAGEEDU WAA XABASH IYO TATUURKA AY KEENTAY SOOMAALIYA??

    XALKUNA WAA LABADAAS OO LA TUURAA??
    WAQTIGA AAD SHEEGAYSID EE SOOMAALIYI GOBTA AHAYD? SHARCIGA ALLAA AYAY KU DHAQMIJIREEN??

    ITTOOBIYA CIIDAMADEEDA IYO TASTUURKA” QURAAFAADKA EE AY SOOQORATAY AH MIDNA SOOMAALIYA MASOO DHEX GALIJIRIN??

    HADABA QORAAGA WAXAAN KARAJAYNAYNAA IN UU QORMADIISA LABAAD KAGA HADLO XABASHI IYO TASUURKEEDA AY SOOMAALIYA KUKHASBAYSO SIDII LAGA YEELI LAHAA?

    FG. YAA MAANTA (CAASIMADII HARAR) GACANTA KUHAYA OO GUMAYSANAAYA?? ITOOBIYA GOORMAYNU XOREEYNAYNAA (QORAAGA AYAA JAWAABTA) AAN WAYDIIAYAY?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here