DHAGEYSO: Wariye caan ahaa oo lagu dilay Qarax ka dhacay Muqdisho

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay Qarax xoogan oo ka dhacay Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ahaa mid lagu soo xiray Gaari uu watay Wariye lagu magacaabo Maxamed Ibraahin Gaaboow ayaa waxuu ka dhacay Xaafada Kawaanka Malaayga ee Degmada Wadajir.

Sarkaal ka tirsan kuwa amaanka ee Degmada Wadajir oo magaciisa qariyay ayaa u sheegay AGGM in Wariyaha uu ku dhintay Qaraxa, waxuunta intaasi ku daray in ay badbaadeen Caruurtiisa oo Gaariga la saarnaa.

Wariye Maxamed Ibraahin ayaa ka mid ahaa howlwadeenada TV-ga Kalsan ee Magaalada Muqdiqsho.

Wariye Cabdirisaaq Aadan Qaasim ayaa ka tacsiyeeyay geerida Wariyaha.

Weli lama oga sababta ka dambeysa beegsiga Wariye Maxamed Ibraahin.

Ilaa iyo hada majiro cid sheegatay mas’uuliyada Qaraxan lagu khaarajiyay Wariyaha oo ka dhacay Magaalada Muqdiqsho ee Caasimada Soomaaliya.

HOOS KA DHAGEYSO